Sheekh Sharif “Wadankaan taladiisa xal Xisbi lama carari karo, Madaxweynuhu shalay halkaan ayuu nala fadhiyey ee maxaa ku dhacay”

28 May 2025 (Puntlandes.com) Madaxwaynihii hore ee dalka Mudane Sheekh Sharif Sheikh Ahmed ayaa Magaaladda Muqdisho ka daahfuray shirwaynaha hoggaamiyaasha siyaasadda ee ka aragtida duwan habka madaxda dowladda Federaalka ah ay u maareynayaan doorashooyinka lagu muransanyahay.

Shirka ayaa diirrada lagu saarayaa sidii looga gudbi lahaa caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira dalka iyo sidii xal lagu heli lahaa hannaan doorasho oo loo dhanyahay.

Sheekh Sharif ayaa furitaankii shirka yiri “Doorasho qof iyo cod waa wax fiican lamana diidana, haddii dastuurka laga heshiiyo oo dowladdu miiska soo fadhiisato oo na qanciso.”

“Wadankaan taladiisa xal Xisbi lama carari karo,Madaxweynuhu shalay halkaan ayuu nala fadhiyey ee maxaa ku dhacay”

About The Author