WAR DEG DEG: Wararkii ugu dambeeyay Weerarkii lagu qaaday Hotelka Saxafi ee Muqdisho

1 Nov 2015 (Puntlandes) Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya weerarkii Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Nabad Sugida Soomaaliya ay goordhaw si buuxda usoo afjareen Weerarkii lagu qaaday Hotelka Saxafi.

Koox ka tirsan Al-Shabaab tiradoodana aan si rasmi ah loo heyn ayaa saakay aroor hore waxa ay gudaha u galeen Hotelka Saxafi kadib markii halkaasi lagu qarxiyay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Raga hubeesan ee Gudaha u galay dhismaha Hotelka Saxafi ayaa gudaha hotelkaasi waxaay ku toogteen Masuuliyiin, Xildhibaano, Ganacsato iyo Saraakiil halkaasi ku sugnaa, waxaana dhismaha Hotelka ka dhacay dagaal socday mudo saacado ah.Wararkii ugu dambeeyay oon ka heleyno Weerarkii saakay aroor hore lagu qaaday Dhismaha Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qasaaraha dhimasho ay weerarkaasi ka dhashay ay sii kordhayaan.

Xildhibaano katirsan Baralamaanka Soomaaliya, Saraakiil iyo Xubno Siyaasiyiin ah oo ku sugnaa Hotelka Saxafi ayaa lagu soo waramayaa in weerarkaasi ay kasoo gaareen dhimasho iyo dhaawacyo kala duwan.

Wararkii u dambeeyey kala Soco Warbaahinta Puntlandes

About The Author