Sawiro: Madaxweynaha DFS oo khudbad ka jeediyay Jaamacadda Barakatullah ee dalka India

1 Nov 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh ayaa maanta khudbad ka jeediyay jaamacadda Barakatullah University oo kutaala isla magaalada Bhopal iyadoo lagu gudoonsiiyay darajada Masterka oo uu ku sameeyay Technical Edication Course intii uu wax ka baranayay dalka India waxaana uu khudbadiisa uga hadlay waayihiisii ardaynimo ee Soomaaliya iyo dalal kale.

Madaxweynuhu waxa uu boqolaal arday ah iyo macaliinta sharaxaad dheer ka siiyay taariikhda Soomaaliya iyo xaaladda ay xiligan ku sugantahay si gaar ah dhibaatoyinkii ay soo martay iyo soo kabashadeeda,isagoo ku tilmaamay booqashada machadka iyo jaamacadda Barakatullah mid aan xusustiisa ka go,I doonin cod

“Kadib burburkii dowladii dhexe waxaa gebi ahaanba meesha ka baxay jaamacadihii iyo dugsiyada waxbarashada iyo guud ahaanba hay,adihii dowladda,taasi waxa ay keentay in aanay jirin kadib 1991kii hal arday oo dugsi aada caasimadda iyo meelo kaleba dadku waxa ay ka hadlayeen oo kali ah meel ay uga badbaadaan dagaalada dhacayay oo ahaa kuwa aan diin ama wax kale ku saleysneyn hase ahaatee aaha dagaalo siyaasadeed.

 

 

1 5 4 3 2 41 40 39 37 38 36 35 34 33 32 31 30 29 28 27 25 26 24 23 22 21 20 18 19 16 15 14 13 11 12 10 9 8 7 6

About The Author