Madaxwaynaha Puntland oo Gaalkacyo laga sugayo inuu Axmed Madoobe keeno

30 Nov 2015 (Puntlandes)  Shalay ayey ahayd markii loo diray madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe inuu inuu Gaalkacyo keeno Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ka biyo diidanaa la kulanka maamulka Galmudug ee maagaalada Gaalkacyo.

159d7

Axmed Madoobe ayaa ku guulaystay inuu kazoo dhaadhiciyo Gaas inuu la hadlo C/kariim oo ay gadaal kasooo riixayso Kooxda DAMUL JADIID, waxaana saaka laga sugayaa Gaas & Axmed inay saacadaha soo socda imaadaan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Waxaa la rajaynayaa inay halkaas ka furmaan wada hadalo aan laga filayn inay miro dhalaan.

Gaalkacyo ayaa waxaa iminka ku sugan RW DFS Cumar Cabdirashiid Cali sharmaake & Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan.

Kala soco Warbaahinta Puntlandes waxa Gaalkacyo ka socda

 

About The Author