Dhagayso: Madaxweynihii hore ee Puntland Faroole oo ka hadlay dagaalkii & kulanka iminka ee Gaalkacyo

30 Nov 2015 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Farole oo shir Saxaafadeed ku qabtay magaalada Garowe  ayaa ka hadlay dagaalkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo, wuxuuna ku tilmaamay nasiib daro dagaalkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Faroole ayaa sheegay inuu kala xiriiray Colaada Gaalkacyo dad badan oo uu ka mid yahay Ergayga UNka Mr Kay, mana sheegin Faroole waxa uu kala hadlay. Waxaa kaloo uu Faroole sheegay inaan Xukuumada Puntland kaliya loo gacab banaanayn Shirka Gaalkacyo ka socda!

159e

Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa sheegay inay jiraan tuhumo Siyaasadeed, sidaa darteedna loo baahan yahay inuu Xassan Sheekh uu tago magaalada Gaalkacyo.

Farole ayaa sheegay in maqnaanshaha Xassan Sheekh uu kor u qaadayo tuhumada jira,xilli Madaxweynaha Dawlada Puntland uu sheegay in dagaalka Gaalkacyo ay ka dambayso Dawlada Soomaaliya.


Puntlandes.com

About The Author