Gaadayare iyo Dhagaweyne oo lacag farabadan ku bixiyey in dadka lagu jaahwareeriyo Horumar aan ka jirin Galkacyo

Gaalkacyo (Pes) Xisaabiyaha Guud ee Maaliyada Gobalka Mudug ahna Xisaabiyaha ”Idman” isla markaasna ah ninka ku amarkutaagleeya talada Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo Mr Maxamuud Cali Yusuf Gaadayare (Boqorka Mudug), Mareeyaha Abdulahi Yusuf International Airport Siciid Cabdiraxmaan Yuusuf Dhagaweyne iyo Kooxdooda ayaa waxay ku baraarugeen Kacdoon dadweyne oo ku soo fool leh markaasay si ay u Bur-buriyaan kacdoonkaas waxay bilaabeen in la Jaahwareeriyo Shacabka wanaaga iyo Samaha jecel, Dulqaadkana badan ee Mudug.

1309

Mr Gaadayare

Sida ay Xogta ku helayso Warbaahinta Madaxbanaan ee Puntlandes.com waxay Kooxdaasi bilowday in ay adeegsato lacag aad u farabadan. Inteeda badan lacagtaas waxaa lagu baxshay Filim  Borobogaando ah oo lagu faafiyey maanta Warbaahinta qaarkood. Filimkan oo soconaya 4 daqiiqo  iyo 57 seken waxay ugu yeereen qaybta koowaad, hoos ka daawo Filimka.

Waxa kaliya oo uu Filimku ka hadlayaa ama uu dadka Tusinayaa oo Horumarka ay ku sheegeen Kooxda ay Garwadeenka ka yihiin Gaadayre, Gaagaab iyo Dhagaweyne waa hal wado oo Laami ah oo dhismaheedu Magaalada Gaalkacyo ka socdo taasoo ay Gaalkacyo ku heshay Barnaamijka JPLG (deeq) iyo dhismayaal ay dadka Dhulkooda jecel Dulqaadkana badan ee reer Gaalkacyood ay dhisteen.

699

Mr Dhagaweyne

Ha ka jawaabaan Gaadayre, Gaagaab iyo Dhagaweyne meesha ay ku baxdo Canshuurta ay shacabka Gobolka Mudug iyo Xaruntiisa Gaalkacyo ay u bixiyeen in loogu adeego. Aaway adeegii looga fadhiyey maamulka Gobolka Mudug iyo kan Magaalada Gaalkacyo? Aaway Adeegii (Amnisugid) loo fadhiyey Ciidamada kala duwan ee Gobolka iyo magaalada Gaalkacyo? Maxaa reer Mudug Amnixumada ugu wacan? Maxaa Mudug u diiday Horumarka?

1353

Mr Gaagaab

Maxaa loogu qabtaa canshuurta laga qaado Shacabka Walaalaha ah ee reer Mudug? Su’aalahaas maxay kaga jawaabayaan kooxda uu maxda u yahay Gaadayare, ayna ka mid yihiin Gaagaab iyo Dhagaweyne?

Waxaa nasiibdaro ah nimanka odayaasha ah oo u dhashay Gobolka Mudug in ay ku noqdaan Taako ama horjoogsadaan Horumarka Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo. Waxaa kaloo nasiibdaro ah in si ay joogaan ilaha Dhaqaalaha ee Gobolka uguna tagrifashaan in ay markasta Jahwareer ku furaan dadka walaalaha ah ee Gobolka Mudug. Waligeed lama arag loomana fadhin nin Gurigiisii madaxa kaga taagan una diidan in uu Gobolada la mid ka ah wax la qaybsado.

Waxaase dadka reer Mudug la yaaban yihiin aaway doorkii madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ? Aaway balanqaadkiisii? Aaway Horumarkuu sheegayey? Aaway cadaaladii….?

La soco qaybaha kale ee Warbaahinta Madaxbanaan ee Puntlandes.com soo wado

Xafiiska wararka ee Gaalkacyo

Puntlandes.com

About The Author