Daawo Video: M/X Camay” Dhaqaale Xumaa na haysa, Maarso ka dib waan bixindoonaa Mushahaarka

Tv ga Somali Channel ayaa waraysi xiiso leh la yeeshay madaxweyne ku xigeenka Puntland  Inj Camay wuxuuna kaga hadlayaa waxyaalo badan oo ay ka mid tahay:

  1. Mushahaarka Shaqaalaha iyo Ciidamada Puntland iyo waliba adeegyadii Bulshada oo aan la bixin in Mudo ah
  2. Arimaha Khaatumo
  3. Xiriirka isaga iyo madaxweynaha
  4. Wadahadalada DFS iyo Somaliland
  5. Xiriirka DFS iyo Puntland

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland  Inj Camay ayaa qiray safarada farabadan oo ay ku baxdo lacagta xad dhaafka ah. Wuxuu kaloo qiray inay ku fashilantay Xukuumada Dr Gaas in ay Maarayso dhaqaalihii dalka isagoo ku dooday in ay Puntland dhaqaalaha ka heli jirtay Dekada Bosaso oo kaligeen wax uga soo degijireen Soomaaliya inta ugu badan. Wuxuusan Camay meesha ku darin in Dakhligiii Puntland hore ugu soo xaroon jiray in ka badan uu maanta u soo xaroodo aanse la aqoon meel ay ka baxdo.

Daawo waraysiga

Puntlandes.com

About The Author