Dhagayso: XASAN YUUSUF DHUUX” Waxaa Khiyaano Qaran Sameeyay Dadka Maxkamada Jooga oo Dambiga Nasaaray”

Xasan Yuusuf Dhuux ”Xasan Garabeey” oo kamid ah 14 Qof oo Maxakamada Gobolka Nugaal ku xukuntay Xasi daai’in iyo 10 sano oo xarig ah ayaa maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo ee Xurunta Gobolka Mudug. Xasan wuxuu iska fogeeyay dambiga lagu eedeeyay, wuxuuna sheegay in Khimaayo qaran lugu sameeyay, waxaana Intaa uu raaciyay inuusan waxba ka ogayan eedaynta loojeediyay.

Xasan Yuusuf ayaa sheegay in qaabka xukunku u dhacay aysan meelna kasoo galin habka Maxkmadaha, waxaana intaa uu raaciyay Dadka la xukumay ee ah 13 kale in uusan hal qofna ka garanayn xiriir ay wada xariiraan iska daaye, waxaana sidoo kale uu tilmaamay in uu la yaabay qaabka Maxkmadu wax u xjukuntay.

”Waxaan cadaynayaa in dambiga laygu eedeeyay aan waxna ka ogayan, waxaana dalbanayaa in Maxkamdu ay keento cadaymo, waxaan sidoo kale sheegayaa in dadka wax xukumay ay yihiin laftoodu kuwo samaynaya Khiyaamo qaran waxaana talabadii dambiga laygu saaray u arkaa inay tahay mid xafiiska wax xukumay anigu maxkamad kuma sheegayee laysaga horkeenayo dadka & Dawlada” ayuu yiri Xasan Yuusuf dhuux.

Dhanka kale dawlada Ayuu Xasan Garabeey ugu Baaqay inay baaritaan adag ku samayso hawshaan waxaan uu intaa raaciyay in arimahaan oo kale uusan waligiis horay u arag.

DHEGAYSO SHIR JARAA’ID.


Puntlandes.com

About The Author