XOG: Kooxda Gaadayare iyo walaalkiis Gaagaab oo ka dambeeyey liiska muwaadiniintii ”Qaran Dumiska” lagu eedeyey

Gaalkacyo (Pes) Ilo xog-ogaal ah kana tirsan maamulka Gobolka Mudug waxna kala socda dhaqdhaqaaqa Kooxda uu hogaamiyo Maxamuud Cali Yusuf Gaadayare (Boqorka Mudug), kana cudurdaartay in aanu magacoodadaabacno ayaa u soo dusiyey Warbaahinta Madaxbanaan ee  Puntlandes.com in Kooxdu ay shir deg deg ah isugu timid Guriga Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab taariikhdu markay ahayd 7 jan 2015, shirkaas oo ku saabsanaa Istraatiijiyadii ay uga hortegi lahaayeen in ay waayeen Xilalka ay ka hayaan Kooxdani Gobolka Mudug iyo Xaruntiisa Gaalkacyo. Shirkaas oo aad looga taxadaray in ay warbaahintu ogaato ayaa waxaa ilahani u sheegeen Puntlandes.com in Shaqsiyaadka ka qayb galay shirka ay ahaayeen ragan hoos ku qoran:

  1. Gudoomiye:  Maxamuud Cali Yusuf Gaadayare (Boqorka Mudug)
  2. G/x koowaad: Mareeyaha Abdulahi Yusuf International Airport Dhagaweyne
  3. G/x labaad: Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab
  4. Xubin: Agaasimaha ciidanka P.I.A ee Gobolka Mudug Cali Digif oo uu dhalay AUN C/laahi Yuusuf walaalkii
  5. Xubin: Taliyaha Ciidanka Godod Saacid bidaar
  6. Xubin: Nabadoon,Yaasin Cabdisamad
  7. Xubin: Taliyaha Ciidanka Birmadka Mudug Cabdirashiid Xassan Xaashi (Gebi-Gebi)
  8.  Xubin: Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Gobolka Cabdullahi Cali Barre

1390

Gaadayare iyo Walaaalkiis Gaagaab

699

Dhagaweyne

Dood dheer oo dhican walba wax laga eegay ka dib waxay Kooxdu go’aamisay:

  1.  in loo diyaargaroobo imaanshaha madaxweyne cabdiwali ee uu imaanayo Gobolka Mudug
  2. In Warbaahinta laga taageero madaxeyne Cabdiwali, iyadoo loogu hambalyeynayo sanad guuradiisa koowaad, lana sheego in uu shaqo fiican qabtay
  3. In la iska horkeeno shacabka Gobolka Mudug iyo madaxweyne Cabdiwali, si taasi u dhacdana la ceebeeyo lana karaamo tiro siyaasiyiin, gacasato iyo odoyaal qadarin ku leh Gobolka.
  4. In la abuuro jahawareer iyo amni xumo
  5. In laga Faaiidaysto Culayska siyaasadeed ee maamulka DFS ay Cadaado ka dhisayso iyadoo dad loo dirayo halkaas.

Kooxdu waxay amartay Agaasimaha ciidanka P.I.A ee Gobolka Mudug Cali Digif, Taliyaha Ciidanka Birmadka Mudug Cabdirashiid Xassan Xaashi (Gebi-Gebi) iyo Taliyaha Ciidanka Godod Saacid bidaar in ay goobaha ku shaqada leh u gudbiyaan sida ugu dhacsaha ah badan liis ay isla diyaariyeen oo ay ku qoran yihiin siyaasiyiin, gacasato iyo odoyaal qadarin ku leh Gobolka kuwaas oo lagu eedaynayo ”Qaran Dumids” yacni waxay taageereen ama aadeen Degmada Cadaado. Waxay Kooxdu isla markii isla qaadatay in muwaadiniinta liiska ku qoran lagu xukumo 10 sano oo xarig ah sida ilahani Puntlandes u soo dusiyeen.

 

Maxkamada darajada koowaad ee Gobolka Mudug

Markii liiska loo geeyey Maxkamada darajada koowaad ee Gobolka Mudug way diiday in ay Xukunkii ay Gaadayare iyo Gaagaab gaareen ku dhawaaqdo. Markaas bay waxay ka fursan wayday in ay kiiska la aadaan Maxkamada darajada koowaad ee Gobolka Nugaal iyagoo ka helay caawimaad Rag ka agdhow madaxtooyada Puntland hoos ka eeg magacyada caawiyey Kooxda Gaadayare iyo Gaagaab:

  1. Abdirisaaq Burgal
  2. Burhaan Maxamuud Gurey
  3. Abdinaasir Maxamuud Gurey
  4. Xildhibaan Siciid Cagoole
  5. Cawil Xasan

Maxkamada darajada koowaad ee Gobolka Nugaal

Sidaas ayey Kooxda ka agdhow madaxtooyada waxay ugu fudaysay in Maxkamada darajada koowaad ee Gobolka Nugaal ku dhawaaqdo go’aankii qar iska xoorka ahaa ee ay gaareen Kooxda Gaadayare iyo Gaagaab iyadoo uu muraadkoodu ahaa in ay iska horkeenaan madaxweyne Gaas iyo shacabka Gobolka Mudug danadeedna ay u dhahaan anaga kaliyaa Mudug kaa taageersan.

Muwaadiniinta Sharaftoodii iyo Karaamadooda meel looga dhacay waxaa ka mid ah:

275

Xasan Yuusuf Dhuux ”Xasan Garabeey” oo Gaalkacyo jooga

Cali Cigaal Af-Gaab oo wasiir ku xigeen kasoo noqday dowladadii Cadde Muuse oo Garowe Isbitaal kaga jiray

Warsame Qolofeey Shido oo Gaalkacyo jooga

Maxamed Aadan Muuse oo Gaalkacyo jooga

Xuseen Maxamuud oo Gaalkacyo jooga

 

Hadaba yaa qaadaya masuuliyada Fadeexadaas? Soow maaha in cidii ka dambaysay Talaabo laga qaado? Mise madaxweyne Cabdiwali wax tilaabo ama go’aan ah oo uu qaadan karo ma jirto in uu telefon dadka ku raali geliyo maahee? Yaa dalka xukuma?

 

Puntlandes.com

About The Author