Golihii Wasiirada ee Raysalwasaaruhu dib ula noqdey, kuwee mar kale soo noqonaya?

Maalintii Sabtida ee todobaadkan ayaa Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid Cali dib ula noqdey golihii xukuumadda ee uu ku dhawaaqey 12-01-2015, kadib markii ay u muuqatey in Xildhibaanadu aysan siineyn codka kalsoonida. Golaha Xukuumadaas ayaa u badnaa Wasiiradii hore ee Xukuumaddii la ridey, sido kale waxaa ku badnaa Wasiiro si weyn uga qayb-qaatey riditaanka labadii Xukuumadood ee Dowladda Xasan Shiikh Maxamuud Madaxweynaha ka yahay.

Horseed Media ayaa ogaatey in badan oo ka mid ah Golaha dib loola noqdey in ay soo noqnayaan, gaar ahaan Wasiiro ku xigeenada, waxaan saameyntu ay si weyn u taabanaysaa, Golaha Wasiirada iyo Wasiiru Dowlayaasha.

Wasiirada ilaa hadda la hubo in ay dib u soo noqonayaan waxaa ka mid ah:

  1. Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdiraxmaan Beyle
  2. Wasiirka Waxbarashada Cabdulaahi Axmed Jaamac
  3. Wasiirka Caafimaadka Siciid Xuseen Ciid

Isbedelka u weyn ayaa la sheegayaa in uu taabanayo Wasaarada kala ah:

  1. Wasaaradda Arrimaha gudaha & federaalka
  2. Wasaaradda Amniga
  3. Wasaaradda Caddaaladda
  4. Wasaaradda Maaliyadda
  5. Wasaaradda Warfaafinta
  6. Wasaaradda Haweenka

Ilo xog ogaal ah ayaa Horseed Media u sheegay in Wasiirka Caddaaladda Faarax Shiikh Cabdulqaadir Maxamed oo ka mid ah Wasiirada sida weyn la isugu khilaafsan yahay laga dhigi doono Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, halkaas oo uu hayey xiligii Raysalwasaare Saacid, Sidoao kale Wasiirada hadda ku qoran Wasaaradaha kore ayaa lagu wadaa in ay qaybtaan wejiyo cusub.

Dhanka kale Raysalwasaaraha ayaa wada kulamo uu la qaadanayo Xildhibaanada, waxaana arrimaha yaabka badan ka mid ah labadii maalmood ee u danbeysey waxaa Xafiisak Raysalwasaaraha codsiga wasiirnimo geystey 106 Xildhibaan!, waxaana raysalwasaaruhu labada dhinac ee Xildhibaanada midkasta la baxay badbaadinta Qaranka isla markaana doonaya Xildhibanaadimada in ay ku darsadaan Wasiirnimo uu kala hadlayaa sida ay suurta gal u tahay in 275 Wasiir dalku yeesho iyo cidda ilaalineysa golaha Xukuumadda haddii kuligood ay doonaan in ay Wasiir noqdaan.

Waxaa lagu wadaa in Raysalwasaaruhu dib ugu dhawaaqwo mar labaad golaha xukuumadda ee uu wax ka soo beddalay maalinta Jimacada ee dhamaadka todobaadkan.

Xigasho: Horseed Media

Daabacaad: Puntlandes.com

 

About The Author