PLTV oo Aflagaadayn joogto ah ku haya Muwaadiniintii ”Xukun Beenaadka” lagu riday

Gaalkacyo (Pes) Markay taariikhdu ahayd 13 ka jan 2015 ayey Maxkamada Darajada koowaad ee Gobolka Nugaal ay xabsi 10 sano ku riday 11 qof oo Muwaadiniin reer Puntland ah oo lagu eedeeyay inay Qaran Dumis yihiin.Xukunkaas oo ahaa been abuur aan waxba ka jirin lana doonayey in meel looga dhaco sharafta iyo Karaamada Muwaadiniintaas magaca iyo Xushmada ku leh bulshada dhexdeeda.

Ku dhawaaqidii ”Xukun Beenaadkii” ka dib ayaa madaxweyne Gaas wuxuu telefoon kula hadlay dadkii laga been sheegay isagoo raali gelin siiyey. Laakiin Muwaadiniintaas laga been sheegay waxay ka dalbadeen madaxweyne Gaas laba qodob oo kaliya:

  1. In sidii Idaacadaha iyo Telefishinada looga faafiyey in looga faafiyo in aysan waxba ka jirin eedayntaas, raaligelina laga bixiyo
  2. In dadkii ka dambeeyey been abuurkan Sharciga la horkeeno

Hadaba waxaa wax lala yaabo ah maanta oo ay bishu tahay 19 jan 2015 iyo maalmihii ka horeeyey in uu Telefinshinka Puntland ee ay dawlada Gaas maamusho baahinayo Been aan sal lahayn laguna aflagaadaynayo Muwaadiniintaas.

Aflagaadada maalin walba ka baxda PLTV

Warkii maanta 19 jan 2015 waxaa lagu soo qaatay warbixin lagu yiri waxaa laga soo diray Wadan zambia iyadoo lagu warasanayey dad badan oo la waydiinayey aragtida ay ka qabaan wax loogu yeeray ”14 caadaqaate oo u cararay Cadaado oo Maxkamadi Xukuntay”. Dadkii sida aadka ah dhulka ugu jiiday 11 kaas muwaadin ee aan wax dembi ah lahayn, laguna been abuurtay, waxaa ka mid ahaa nin magaciisa ku sheegay Cabulqaadir Maxamuud Gureey waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ”Aad iyo aad baan u soo dhawaynayaa Xukunkii lagu riday Caadaqaatayaashii u dhuuntay magaalada Cadaado. Waxayna ahaayeen 14 Biiraqaatayaal ah….” wuxuu ku sii daray ”Wuxuu ahaa Dembi jira oo ay galeen 14 kaas Dhuuniqaatayaasha ah”

Madaxweyne Gaas wax buu ka ogaa waxayna ahayd boor isku qarin telefoonkii uu u soo diray Mawaadiniintaas. Haddii aysan saas ahayn sidee Telefinshinka Puntland uu ugu hawlanaan karaa faafin wax uu cudurdaar ka bixiyey madaxweynuhu. Maxay tahay waxa uu ka helayaa madaxweyne Gaas Aflagaadadan?

Puntlandes.com

About The Author