Sawiro: Shirwayne looga hadlayay qaab dhismeedka Manhajka waxbarashada Puntlad oo Garowe ka furmay

Garowe (Pes) Waxaa maanta magalada Caasimada ee Garowe ka furmay shirwayne balaaran oo lagu ansixinayo qaab dhismeedka manhajka waxbarashada Puntland, kaasoo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland.

 

Shirkan oo labo maalmood soconayo waxaa furitaankiisa kasoo qayb galay madaxwayne ku xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdilaahi Camay, wasiirka Deegaanka,Wasiirka Caafimaadka iyo masuuliyiin kale iyo waliba qaybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka iyo masuuliyiinta xarumaha tacliinta Puntland.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada Puntland Dr.Maxamed Cali Faarax ayaa sheegay inay maanta ahmiyad gaar ah u lee dahay sidii loo ansixin lahaa Manhajka waxbarashada Puntland, ayna qayb ka tahay hiigsiga waxbarashada Puntland, wuxuna meesha ka xusay inay juhdi iyo dadaal faro badan galiyeen manhajkani.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay inay tahay arrinta shirkan loo fadhiyo arin Qaran, isla markasna diyaarinta Manhajkani ay ka qayb galeen saraakiil bulshada matalaysa.

“Dadaalkeena mustaqbalka dhow wuxuu yahay in arday walba oo reer Puntland uu helo buug maado kasta ah oo lagu qoray manhajka Puntland,”ayuu yiri Cali Xaji Warsame oo intaas sii raaciyay inay wasaaraddu mar walba dib u eegis ku sameyndoonto manhajkaan haddii loo baahdo.

Ku xigeenka madaxwaynaha Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa khudbad  ka jeediyay furitaanka shirka oo ay kasoo qayb galeen in ka badan 170-qof oo ka kala yimi gobaladda Puntland, wuxuna sheegay inuu ku faraxsan yahay diyaarinta qaab dhismeedka manhajka waxbarashada Puntland.

Kasoo qayb galayaasha shirka ayuu madaxwayne Camay sheegay inuu ka filayo inay ku daraan aragtidooda ku aadan qaab dhismeedka Manhajka waxbarashada Puntlad, wuxuna sheegay manhajkani inuu sii hormarinayo waxbarashada Puntland si tartan loola galo waxbarashada dalalka caalamka.

Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare kulankan waxaa qabsoomidiisa kala shaqeeyay Hay’adaha kala ah Unicef iyo AET.

SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES

 

Puntlandes.com

About The Author