Daawo Video: Prof Jurille oo Cabdiqaybdiid ku taageeray Maamulka G/Dhexe

Gaalkacyo (Pes) Prof C/Risaaq Jurille ayaa ka hadlay maamul u sameynta ay garwadeenka ka tahay DFS ta Xasan Sheekh ee Maamulka ”Gobolada Dhexe” . Prof Jurille ayaa sheegay  inaysan cid u diidi karta aysan jirin dadka dega Koonfur ta Mudug in ay qortaan Gobolka Mudug.

Prof Jurille aqoon yiri uma gayn waxa uu ku hadlay ee waxa aad  moodaa in uu qarsan kari waayey taarada uu u hayo Cabdiqaybdiid.Ma wuxuu iska indha tirayaa in aysan arintu taagnayn Koofurta Mudug oo uu Cabdiqaybdiid ugu yeerto Goboolka Mudug iyo in Alamtara la soo dhaafay arinkuna taagan yahay ”Fad ama ha fadin waa lagu Fadsiin” si cadna ay Cabdiqaybdiid iyo Kooxdiisu u dheheen ”Mudug lama kala jarayo”.? Ma wuxuu Prof Jurille inkirsan yahay Qayladii iyo Cambaarayntii ay Kooxda Cabdiqaybdiid tusha uga tuureen Heshiiskii DFS iyo Puntland ee 14 oktobar ay ku saxiixeen Garowe Puntland? Ma wuxuusan ogayn waxa uu xilka ku waayey Halyey Raysul wasaare Cabdiwali in ay ahayd markuu saxiixay yirina waxa maamulka loo samaynayaa waa Koonfurta Mudug?

Hadalka ka soo yeeray  Prof Jurille waa inuu raaligelin ka bixiyaa. Waana in uu ogaadaa in uusan nin dhulki uusan nin kale ku oran karin ku buuxso inta kaa dhiman.

Daawo videoga

Puntlandes.com

About The Author