Dhagayso: Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo markii u horaysay ka hadlay maamul samaynta ”Gobolada Dhexe”

Gaalkacyo (Pes) Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Tigay ayaa eedeeyay maleyshiyaad kasoo jeeda dhinaca Galmudug inay jidka u galeen qalab ay lahayd hay’ada wadooyinka Puntland oo marayey wadada wadaagsin.

GudoomiyeTigay ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta maamulka ay DFS garwadeenka ka tahay laguna dhisayo wax loogu yeeray maamul ka kooban ”Mudug iyo Galgaduud” wuxuuna hoosta ka xariiqay in aysan ku jirikarin Waqooyiga Gobolka Mudug o oka tirsan dawlada Puntland oo ah dawlad 17 sano jirtay.

Ugu dambayntii Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa udigay kuwa ku hawlan dhisida maalulkaas in ay dawalada Puntland ay leedahay Ciidan suga Dhulkeeda.

Waxaa xusid mudan in ay tahay markii ugu horaysay oo uu ka hadlo GudoomiyeTigay arinta maamul samaynta Gobolada Dhexe taasoo soo bilaabatay 31 july 2014, isagoo masuul ka ah Gobolka Mudug.

Dhagayso


Puntlandes.com

About The Author