Sawiro: Wasaaradda waxbarashada Puntland oo meelmarinsay manhajka waxbarashada PLand-

Garowe (Pes) Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliintanta Sare ee dowladda Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa ku dhawaaqay in si rasmi ah loo meel mariyay manhajkii guud ee waxbarashada Puntland oo la dajiyay sanadkii 2011.

In  kabadan 160 ergooyin ah oo ka kala yimid gobolada Puntland ayaa labadii maalin ee ugu dambeysay waxay turxaan bixin ku sameynayeen manhajkaan oo ay soo dajisay wasaaradda waxbarashada Puntland oo kaashanaysay saaxiibadeeda kala shaqeeya horumarinta waxbarashada Puntland.

“Waxaan idiin xaqiijinayaa in 100% la meel mariyay manhajkii waxbarashada, mana jirto cid walaac ka keentay qaab dhismeedka,” ayuu yiri wasiirka waxbarashada oo sheegay inay ku faraxsan yihiin  sida aqoonta leh ee looga dooday manhajkaan.

Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa ugu bishaareeyay bulshada reer Puntland gaar ahaan bahda waxbarashada inay heleen manhaj lagu kalsoon yahay oo ahaadoona mid dadkoo dhan kawada dhaxeeya.

Wuxuu sheegay wasiirku inay dhawaan guda galidoonaan daabacaada buugaagta 1-aad iyo fasalka 12-aad oo ku qornaandoona manhajka waxbarashada Puntland, halka haatan qaar kamid ah dugsiyada waxbarashada lagu dhigo manhajyo qalaad iyo kuwii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Daawo Sawiradda

_DSC0002 _DSC0004 _DSC0009 _DSC0011 _DSC0023 _DSC0025 _DSC0028 _DSC0030 _DSC0032 _DSC0044 _DSC0047 _DSC0070 _DSC0097 _DSC0102 _DSC0116 _DSC0155 _DSC0187 _DSC0228 _DSC0248 _DSC0251 _DSC0269

 

Puntlandes.com

About The Author