Sawiro: Madaxweynaha Dawlada Puntland oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Maanta Deeq Bixiyayaasha Caalamiga Ah

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay xubno socday Deeq bixiyayaasha caalamiga ah kuwaas oo kakala socdey Dalalka  England, Sweden, Finland , Australia ,  USA iyo Switzerland, kuwaas  oo ay  weheliyaan Hay’adaha  UN-ka  lashaqeeya sida , UNICEF , UNFPA, WHO iyo  FAO.

Deeq bixiyayaasha lyo Hay’adihii lasocdey maanta ayaa waxaa ay u yimaadeen inay xog warran kasiiyaan Madaxweynaha  Dawladda Puntland Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas Barnaamijyada ay maal geliyaan gaar ahaan barnaamij ay  Wasaaradda caafimaadku hormuud ka tahay hirgelintiisa, barnaamijkaas oo layidhaahdo Joint Health and Nutrition Problem (JHNP).

Barnaamijkaas oo noqon doona mid loogu talo galay horumarinta caafimaadka iyo quudinta hooyada iyo dhallaanka, waxaana uu kamid yahay qorshaha sannadka 2015-ka la qorshaynaya in laqabto ee lagu fuliyo Puntland.

Sidookale Deeq bixiyayaasha ayaa Madaxweynaha  Dawladda Puntland Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas waxay warbixin ka siiyeen barnaamijkaas isaga ah ilamaa iyo hada meeshu marayo  iyo sidii loo horamarin lahaa mustaqbalka dhow.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas  ayaa dhankiisa waxaa uu tilmaamay kuna dhiirri geliyey Deeq bixiyayaasha caalamiga ah iyo Hay’adaha lashaqeeyaba inay gaadhsiiyaan adeeggooda iyo Mashaariicda ay fuliyaan Degaamada kabaxsan Laamiga.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas ayaa sheegay in Gobollada Sool  iyo Sanaag ilgaara lagu eego sidookalena tibaaxay in ay Mahuraan tahay in reer Guuraaga iyo dadka xoola dhaqatada ah iyagana lagu daro qorshaha taakulaynta iyo adeegga mashaariicda loogu talagalay guud ahaan gobolada Puntland.

IMG_2224 IMG_2226 IMG_2227 IMG_2228 IMG_2229 IMG_2232 IMG_2233 IMG_2234

Puntlandes.com

About The Author