Dhagayso: Galkacayo oo Galmudug diiday in lagu buufiyo Guryaha Calanka Puntland

Gaalkacyo (Pes) Waxaa maalmahaan ku soo kordhay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug anmi xumo tii ugu xumayd iyo in Galmudug ay diido in nalalka Cadceeda ku shaqeeya lagu buufiyo Calanka Puntland meesha laga bilaabo Iskuulka Ummadda ee magaalada Gaalkacyo.Waxaa taas u sii dheer iyadoo uu maamulka Xaafada Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo uu wado isbalaarintii ugu baaxada waynayd iyagoo Galmudug ku fuufinaya qaar ka mid ah xaafada Garsoor ee Puntland.

Waxaa xusid mudan in maalin sadexaad ay malayshiyo ka tirsan isla maamulka Galmudug ay dariiqa u galeen oo ay dhaceen qalab ay lahayd Hayada Wadooyinka Puntland iyadoo aysan deero deero u hardin. Waxay kaloo weerareen Geel ama Xoolo laga leeyahay dhanka Puntland iyagoo qasaare gaystay malayshiyada Galmudug.

1390

Nin oday ah oo aad ula socda arimaha Gobolka Mudug yaqaanana dhaq dhaqaaqyada Kooxda Gaadayare ayaa wuxuu ku yiri Puntlandes ”waa xeeladihii lagu yiqiinay KOOXDA GAADAYARE arimahan hada socdaa”

Dhagayso Xildhibaan ka tirsan Golaha degaanka Gaalkacyo oo ka hadlaya arinta


Puntlandes.com

About The Author