Dhagayso: Garsoore Puntland oo ka walaacsan helista xuquuqda shaqada

Maxamed Siciid Nuur “Kampaala” oo  ka tirsan Garsoorka Puntland ayaa cabasho ka muujiyey taageero iyo taakulo la,aan uu kala kulmay Dowlada Puntland ka dib markii ay ku dhimatay Xaaskiisa qarax Bosaso lagula beegsaday Garsoorka Gobolka Bari.

Maxamed Siciid Nuur ayaa sheegey ka dib markii ay ku timid dhacdada naxdinta leh ee ay ku dhimatay Xaaskiisa inuu codsiyo taakulo u gudbiyey xarumo ay ka mid yihiin Madaxtooyada, Guddiga Sarre ee Garsoorka, balse nasiib daro uusan midna ka helin jawaab xilli muddo 8 bilood ah aysan helin mushahaar iyo xuquuqda uu ku shaqeynayo.

Waxa uu u mahad celiyey Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Gen Muxuyadiin Awmuuse oo uu sheegey inuu ahaa shaqsiga kaliyah ee si muwaadino ah ugu gurmaday oo kala qeyb qaatay duugta xaaskiisa alle ha u naxariistee.

Waxa uu sheegey intii muddo ahayd inay ku shaqeynayaan daruufo kala duwan oo ay ugu horeyso mushahaar iyo adeeg la,aan taasna ay sababtay inay aadaan dadkii ka shaqeynayay maamulka meelo ka baxsan Puntland oo ay ka mid tahay Muqdisho.

Garsoore Maxamed Siciid Nuur ayaa codsi ugu jeediyey Xukuumada Puntland inay bixiso xuquuqda ay ku shaqeynayaan garsoorka iyo shaqaalaha Dowlada xilli uu sheegey inuu meel kasta ka deymaysan yahay islamarkaana shaqadu aanu sidaas kusii socon kareyn.

Hadalkan kasoo yeerey mid ka mid ah garsoorka Puntland ayaa la mid ah cabashada ay qabaan Ciidamada iyo Shaqaalaha Dowlada Puntland oo aan helin wax mushahaarooyin ah muddo ka badan lix bilood oo xiriir ah.

Dhagayso



Puntlandes.com

About The Author