Galmudug ”Baaburta Ku xiran tahay Taarikada PUNTLAND Ee Gaalkacyo Lagu Arka waa Ganax Darawalkana Wa Xirayna”

Gaalkacyo (Pes) Maamulka Galmudug Ayaa Awaamiir waxay ka soo sareen Baaburta Ku Shaqeynaysa taarikada Putland ee lagu Arkayo Galmudug (Gaalkacyo) inay talaabo  ka qaadayaan Arintani ayaa ku soo aadaysa iyadoo qaybo badan oo ka mid ah magaalada Gaalkacyo ay Galmudug ka mabnuucay Calanka Puntland in lagu Buufiyo guryaha ay leeyihiin reer Puntland ee ku yaala Dhanka Puntland .

Galmudug ayaa sheedtay in ay baabuurkii fulin waaya amarkan la ganaaxayo darawalkana ganaax iyo Xarig la isu darayo haddii ay ka dhaga adaygaan amrkaan.

Galmudug ayaa waxay waayadii u dambaysay la soo baxaysay awood aan la aqoon meesha ay ka keentay halka Dawladii awooda badnayd ee Puntland ay noqotay ”Diyaaradii Malaysiya ee luntay oo aan ilaa hada meel ay ku sugan tahay iyo waxay ku dambaysay aan la aqoon”

Ma aha awaamiirtii ugu horaysay e eka soo baxday Galmudug tani ee waxaa ka horaysay calanka Puntland oo la diiday,Gurayaha reer Puntland oo Galmudug lagu buufiyo, qalab wadada Wadaagsin marayey oo ay lahayd dawlada Puntland oo la BOOBAY iyo wali waxyaalo badan oo kale.

Reer Mudug waqti ay ku bartaan dawlada uu madaxweynaha ka yahay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ”ee Noqotay Diyaaradii malaysiya ee luntay” way haysteen mana aha in ay ka sugaan in ay difaacdo, maxaa yeelay maba awoodo, qofna lagama sugo wuxuusan awoodin.

Puntlandes.com

 

About The Author