Sawiro: Madaxwayne Gaas oo Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi Ganacsato Shiines ah

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 28-1-2015 aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wefti balaaran oo Chinays ah isuguna jira Ganacsato, Maalgashadayaal caalami ah iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Gaas ayaa weftigaan si diiran ugu soo dhaweeyey xafiiskiisa waxaana ay Puntland u yimaadeen sidii ay uga samaysan lahaayen maalgashi caalami ah, maadama uu madaxweyne Gaas balan qaaday in gudaha Puntland uu keenayo maalgashadayaal caalami ah si Puntland ula jaanqaado wadamada horumaray.

Mudada ay joogaan Puntland ganacsasada iyo maalgaliyaashan caalamig ah waxaaa ay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiinta wasaaradaha Puntland si iyana ay ugu soo bandhigaan fursadaha ganacsi ee ka banaan Puntland.

Kullan qado sharaf ah oo madaxweyne Gaas uu u sameeyey masuuliyiintaasi ayaa waxaa uu ka dalbaday in sida ugu dhakhsiyaha badan ay Puntland uga fuliyaan maalgashi caalami ah, ganacsigooduna uu noqon doono mid ay kawada faa’iidaysan doonaan dhammaan shacabka reer Puntland .

Dabayaaqadii sanadkii tagey ee 2014 ayuu madaxweyne Gaas balanqaaday in Puntland uu keenayo sanadkan cusub ee 2015 ganacsato iyo Maalgashadayaal caalami ah iyo shirkado ganacsi oo waaweyn, imaanshiyaha ganacsatadantana waxaa ay qeyb ka tahay fulinta balan qaadyadii uu sameeyey Madaxweynuhu.

 

IMG_2441 IMG_2446 IMG_2447 IMG_2452 IMG_2455 IMG_2458 IMG_2463 IMG_2470 IMG_2473 IMG_2478

 

Puntlandes.com

About The Author