Sawiro: Madaxweyne Gaas oo la kulmay Madaxa xafiiska Bankiga aduunka ee Soomaliya Mr Hugh Riddel iyo wefti uu hogaaminayey

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 28-1-2015 aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Madaxa xafiiska Bankiga aduunka ee soomaliya Mr.Hugh Riddel iyo wefti uu hogaaminayey.

Ka qeybgalka kullanka ee dhanka Puntland waxaa madaxweynaha ku wehliyey Wasiirka Maaliyada Puntland Shire Xaaji Faarax, Wasiir dawlaha madaxtooyada iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland Maxamed Cabaas Cumar iyo Agaasimaha guud ee macdanta iyo shidaalka Puntland Ciise Dhoolawaa.

Kullan gaar ah oo madaxweyne Gaas la qaatay masuuliyiintaasi ayaa waxaa uu ku saabsanaa kheyraadka kujira Puntland sidii looga faa’iidaysan lahaa, bankiga aduunkuna uu gacan uga siin lahaa dawladda Puntland sidii loo soo saari lahaa kheyraadkaasi.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Puntland ay kujiraan kheyraad farabadan oo u baahan in looga faa’iideeyo shacabkeeda, waxaana uu tilmaamay in dawladdu ay soo dhaweynayso cidkasta oo kheyraadka kujira Puntland soo saaristeeda gacan mug leh ka geysanaysa.

Weftiga ka socday Bankiga aduunka ayaa dhankooda sheegay inay diyaar u yihiin in ay isgarabtaagaan dawladda Puntland gacana ay ka siiyaan soo saarista kheyraadka dabiiciga ah ee Puntland.

Sidookale Bankiga Aduunka ayaa ayaa waxaa ay sheegeen in ay damaanad qaad buuxa siin doonaan shirkadaha maalgashiga iyo shirkadaha soo saara kheyraadka dabiiciga ah kuna dhiirigelinayaan in Puntland ka howlgalaan.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu dadaal xoogan ugu jiraa sidii shacabka reer Puntland looga faa’iideynlahaa kheyraadka dabiiciga ah ee eebe ku manaystay Puntland, waana talaabo muhim ah oo uu madaxweynuhu horay u qaaday mudadii uu hogaanka Puntland hayey.

 

IMG_2482 IMG_2485 IMG_2489 IMG_2490 IMG_2492 IMG_2493 IMG_2498 IMG_2502 IMG_2503 IMG_2504 IMG_2505

 

Puntlandes.com

About The Author