Daawo Video: Maxaa Gaalkacyo ka reebay Degmooyinka Puntland? ”War Colka waraf ma lagu dayey”

Gaalkacyo (Pes) Waxaa magaalada Garowe ku shiray si ay urur mideeya u samaystaan Degmooyinka Puntland kuwooda leh ”Gole Degaan”. Shirkaas oo shalay bilowday ayna ka soo qaybgaleen dhamaan Degmooyinka Puntland ee leh Gole Degaan kama aysan dhexmuuqan magaalada Gaalkacyo, daawo Videoga hoose!!

Waxay dad badan oo reer Gaalkacyood ah la yaabeen waxa ka reebay magaaladooda shirkaas miyeysan ka tirsanayn Puntland dad baa iswaydiinayey? Maxay tahay sababta ay uga maqan tahay kuwo kalaa iswaydiinayey? Qayb u faradhuudhuuban ama ku xeeldheer Kooxda ka dambaysa maamulxumada ku habsatay Gobolka Mudug iyo Xaruntiisa Gaalakacyo ee uu Hogaamiyo Gaadayare ayna ku xigaan Dhagaweyne iyo Gaagaab oo Gaadayare walaalkiis ah waxayna u sheegeen Puntlandes in Xaalada Gobolku uu ku sugan tahay iminka ay tahay meeshii abid ugu xumayd uuna ruxanayo waana taas sababta ay uga soo qayb geli wayday shirkan magaalada Gaalkacyo. Kooxda Gaadayare waagii hore shirarkan oo kale kama aysan maqnaan jirin oo waxay iska dhigi jireen meel dawladnimo iyo maamul ka jiro.

Waxaa iswaydiin mudan imisa ayey Kooxdan ku mabay hantidii ummada reer Mudug sii haysan doonaan Gobolka iyo xaruntiisa? Su’aashaas waxaa in ay ka jawaabaan mudan Dhalinyarada reer Nudug oo Kooxdani Mustaqbalkoodii mugdiga geliyeen ayna:

  1. U diideen in ay Horumarsadaan Gobolkooda,
  2. U diideen in ay saamayn ku yeeshaan Gobolkooda,
  3. U diideen in ay ka shaqeeyaan sidii ay ugu heli lahaayeen Gobolkooda waxbarasho, Caafimaad iyo shaqo iyagoo la jaanqaadaya asaagooda kale ee Somalia iyo Caalamkaba
  4. U diideen in ay gacmaha isqabsadaan oo wadajir ugu shaqeeyaan Gobolkooda.

 Hadaba waxaa la gudboon dhalinyarada Gobolka Mudug in ay hurdada ka kacaan oo aysan dhagaysan kuwa ”qaadka” la soo siiyey ee leh sidaan ayaa idiin fiican ee ku jira. Ee leh KOOXGA GAADAYARE waa niman fiicane noo daaya!!!

Soomaalida ayaa waxay tiraahdaa ”War colka waraf ma lagu dayey” waxaa la gaaray xiligii ay dhalinyarada Mudug Waraf ay qaadan lahayd soona dhacsan lahayd xaqooda iyo xoolahooda ay Kooxda Gaadayare iska jaqayso.

Puntlandes.com

About The Author