Daawo Video: Gaalkacyo oo sidii hore dhaanta dadkeeduna u istaageen Isbedel iyo Horumarin

Gaalkacyo (Pes) Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa maanta ka dhacay shir ay isugu yimaadeen waxgaradka Magaalada iyo maamulka Gobolka iyo Degmada shirkaasoo ay kaga arinsanayeen sidii ay magaaldooda u Horumarin lahaayeen.  Waxaa jira wado Laami ah oo dhismaheedu socdo taasoo u baahan sida uu maamulku sheegay  balac dhan 10m iyadoo hada meelaha qaarkood uu balaca wadadu yahay 3m oo kaliya. Waxaana loo baahday in Guryo badan oo wadada hareeradeeda ku yaala la dumiyo si Magaaladu u hesho wada laamiya oo kaabta bilicdeeda iyo Horumarinteeda.

Hadaba waxgaradka Magaalda Gaalkacyo ayaa saxiixa ku jiiday in la dumiyo gurigii ku soo aada dhulka wadadu u baahan tahay.  Oday ka mid ah waxgaradkii shirka ka hadlay ayaa sheegay ”aniga gurigaygu wuxuu ku soo aadayaa wadad waxaana diyaar u ahay in dumiyo”

Waa arin farxad leh in reer Mudug u istaagaan ”Isbedel” iyo in ay horumariyaan magaaladooda iyo Gobolkooda.

Daawo Videoga

Puntlandes.com

About The Author