Daawo Video: Agaasimaha Isbitaalka Garowe oo beeniyey warar ay saxaafadu qortay

Garowe (Pes) Isbitaalka Guud ee Gobalka Nugaal oo maalmahan ay saxaafada madaxabanaan wax ka qortay in uu dayacan yahay ayna gabaabsi ku tahay dawada. Waxaana u sii dheer dhaqaalo xumo ayaa waxaa maanta saxaafada qaarkood la hadlay Dr.Cabdisamad Axmed Jaamac oo ah Agaasimaha guud ee Isbitaalka magalada Garowe isagoo beeniyey warkii ay saxaafada madaxabanaan baahisay waxana looga yimaadaa sida uu sheegay Dr.Cabdisamad in looga yimaado Isbitaalka deegaano ka tirsan gobalada Mudug, Cayn, Sool iyo Karkaar.

Waxaaa xusid mudan in uusan Agaasimuhu ka hadlin waxyaalihii ay saxaafadu qortay oo ay ugu waynayd Dhaqaale xumi aad u liidata oo haysata Isbitaalka Garowe sida Nadaafada Isbitaalka, dawoda, Mushahaarka shaqaalaha iwm. Hoos ka daawo sawiro muujinaya xaalada uu Isbitaalku ku sugan yahay.

Sawiro

Daawo Videoga


Puntlandes.com

About The Author