maamulka somalilad oo soo bandhigay hub saarna markab nooca xamuulka ah oo ay dhawan gacanta ku dhigeen

maamulka somaliland ee ka arrimiya waqooyi galbeed somalia ayaa dhawaan gacanta ku dhigay markab nooca xamuulka ah oo ay sheegeen in uu si sharci daro ah ku marayay biyaha maamulka somaliland, kadib qabashadii markabka baaritaano ay sameeyeen hayadaha amniga somliland ayaa lagu ogaaday in markabku uu wado hub aad u tiro badan oo khatar ah looguna tala galay dagaalada culus.

maamulka dekeda berbara ayaa soo bandhigay tiro baabuurta dagaalka ah, taangiyo iyo baabuurta aan xabadu karin oo casri ah. sarkaal u hadlay maamulka dekeda berbara ayaa sheegay in ay dhawaan markay baaritaanada dhameyan ay soo bandhigi doonaan xog buuxda oo ku saabsan cida iska leh markabka iyo waliba halka uu ku socdo

isku soo wada duuboo arrintan ayaa ku soo aadamaysa xilli uu sii xoogaysanayo khilaafka dhulka ah ee u dhexeeya dawlada puntland iyo maamulka somaliland. wixii warbixin ee ku soo korarta arrinta markabka kala soco wararkayaga danbe

gaari3

gaari1

 

gaari2

 

xafiiska wararka puntlandes.com ee Galkacyo

About The Author