xog: maxa ka socda xafiiska raysulwasaare cumar cabdirashiid

xafiiska raysul wasaaraha soomaliya cumar cabdirashiid ayaa ah mid aad u mashquul badan ,waxaana xafiiskiisa ka soconaya shirar gooni gooni ah oo uu raysul wasaaruhu la yeelanayo qaybo katirsan xildhibaanada baarlamanka soomaliya gaar ahaan labada kutladood ee ugu awooda badan ee kala ah kutlada “badbaado qaran” iyo kutlada aan ka dhicin ee “toosinta talada qaranka“.

raysulwasaare cumar cabdirashiid oo fulinaya balanqaadkii ugu danbeeyay ee uu ka hor jeediyay gollaha baarlamaanka ee ahaa in uu la tashiyo kala duwan la samayn doono baarlamaanka soomaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ayaa isla markiiba bilaabay fulinta balanqaadkiisii.

ilaa iyo hada lama oga waxa ka soo baxay kulamadaasi balse warar hordhac ah ee ay helayso warbaahinta madaxa banaan ee puntlandes ayaa sheegaya in ay xildhibaanada baarlamaanku si weyn ugu kala qaybsanyihiin sida uu wax u wado raysulwasaare cumar, waxa kale oo wararku intaas ku darayaan in gollaha wasiirada ee cusub lagu amray in ay xubin kasta kalsoonida ka hesho xubnaha baarlamaanka u matalaya beeshiisa.

kala soco wixii ku soo kordha saacadaha soo socda warabaahinta madaxa banan ee puntlandes.com

About The Author