Bosaso: Al-shabab oo weerar ku soo qaadey saldhiga Booloiska ee Baalade

Al-shabab ayaa caawa weerar qorsheysan ku soo qaadey saldhigga booliska Baalade ee ku yaal xaafada New Bosaso ee magaalada Bosaso. Iska hor imaad xooggan oo soconayey muddo soconayey ayaa dhexmaray ciidamadii saldhiggaas ku sugnaa iyo kooxda weerarka soo qaaday. War faahfaahsan lagama hayo khasaaraha ka dhashay weerarkaas, haseyeeshee saraakiil ka tirsan booliska ayaa Puntlandes u xaqiijiyey in weerarka lagu gubey mid kamid ah gaadiidka ciidamada booliska islamarkaasna hal askari dhaawac culus soo gaarey..

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli isla maanta Al-shabaab ay weerar ku soo qaaday fariisimaha ciidamada Puntland ee buuraleyda Galgala. Isla maanta waxaa sidoo kale toogasho lagu diley guddoomiyihii xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyao Maxamuud Diiriye Bidaar.

Puntlandes.com

About The Author