Madaxweynaha Gaas oo Muqdisho ku sii jeeda

Garowe (Pes) Warar lagu kalsoon yahay oo Puntlandes Garowe ka heshay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu ku sii jeedo magaalada Muqdisho maalinta berri ah. Faahfaahin lagama hayo la xiriirta safarkan laakiin wararka la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha DFS Xasan Shiikh Maxamuud uu casuumad u fidiyey sadexda maamul goboleed ee kala ah Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Kulanka madaxweynayaasha Dawlad goboleedyadaan iyo Dowlada Federaalka ayaa waxaa gadaal ka riixaya beesha caalamka oo goob joog ahaan doonta iyadoo qodobka ugu weyn ee looga hadlayo lagu sheegey sidii loo dhisi lahaa ciidamada qaranka Somalia XDS. Ilaa iyo hada ma samaysna ciidan lagu mideysan yahay oo Ciidan Qaran. Ciidamada ay DFS ugu yeerto Ciidan Qaran ma aha Ciidan Qaran oo Soomaaliyi u dhan tahay ayna wada dhisatay.

Wixii war ah oo ku soo kordha kala soco Puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author