Hiigsiga 2016 oo fashilay & Hogaamiyaasha Soomaalida oo Muqdisho ku shiraya

Waxaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho ka dhaco shir la filayo inuu socon doono hal maalin ama laba oo hogaamiyayaasha Soomaalida uga wada-xaajoonayaan fashilka ku yimid xukuumada Federaalka iyo qorshihii hiigsiga 2016 oo xiligan aan u muuqan inuu hirgeli karo wakhtigiisii.

madaxda_

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud oo ay xiligan soo wajahday xiisado siyaasadeed oo fadhiid ka dhigay dhismaha xukuumad cusub, taasi oo salka ku heysa diidmada Baarlamaanka ee ku aadan xubnaha xisbigiisa Damuljadiid ayaa casumay hogaamiyayaasha maamulada Federaalka si ay talo uga dhiibtaan waxa uu xalka noqon karo.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Gaas, Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur-Galbeed Shariif Xassan ayaa shalay markii ay soo gaareen kulan qado-sharaf ah loogu sameeyey xarunta Villa Soomaaliya.

Casumaadan ayey xubno xog ogaal ah sheegayaan in fikirkeeda ay lahaayeen xubno uu kamid yahay Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid oo ka dhaadhiciyey Madaxweyne Xassan inay hogaamiyayaashan ku casumaan Muqdisho, xili sidoo kale uu jiro tuhun ah in maamulada Federaalka ay si hoose uga qeyb qaadanayaan xurgufta ku dhexjirta Baarlamaanka Federaalka.

Kulankan Qado sharaf ah oo ay ka qeyb galeen Madaxda Federaalka iyo xildhibaano ayaa shalay gelinkii danbe ka dhacay Madaxtooyada Muqdisho, iyadoo la filayo in maanta uu dhaco kulanka muhiimka ah ee looga hadlayo qodobada horyaal hogaamiyayaashan.

1- Dhismaha xukuumada Federaalka, in maamulada Federaalka ee dalka ka jira ay gacan ka geystaan xalinta khilaafka ka jira Baarlamaanka ee ku aadan diidmada Damuljadiid ee hareeyey ansixinta Xukuumada cusub.

2- Is-afgarad ku aadan qorshaha hiigsiga 2016 ee sanadka danbe iyadoo aysan macquul ahayn in ay dhacdo doorashadii shacabka kusoo dooran lahaayeen dowlada. Qodobkan oo ugu muhiimsan waxa looga hadlayo shirka Muqdisho, ayaa sidooo kale diirada lagu saari doonaa in maamulada Federaalka iyo dowlada Federaalka heshiis ka gaaraan hindise cusub oo lamid ah kii Roadmap oo la doonayo in lagu bedalo qorshihii Hiigsiga 2016 oo hada u muuqda inuu fashilay.

Waxaa jira talooyin kala duwan oo ay wataan hogaamiyayaasha maamulada dalka ka jira, kuwaasi oo ku aadan habka ay u dhici karto doorashada 2016 hadii uu hirgeli waayey hiigsigii ahaa in shacabka ay wax doortaan. Waxaana jirta qorshayaal ay kamid tahay in la dhiso Golihii Sare ee Federaalka oo ah Baarlamaanka xubnihiisa ay soo dooranayaan maamulada Federaalka oo ah mid ka awood badan Golaha Shacabka.

Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud iyo xisbigiisa Damuljadiid ayaa horey dastuurka uga saaray qodobada dhismaha Golaha Sare ee Federaalka iyo waliba Maxkamada Dastuurka oo aan weli la dhisin.

Caqabadan ayaa ah kuwo xal u baahan. Walow Madaxweyne Xassan uu aaminsan yahay in doorashada 2016 ay markale u dhacdo habkii hore ee ahaa Golaha Shacabka (Baarlamaankii Qabaa’ilka) oo doorta Madaxweynaha, arrintaasi oo ah mid albaabka u furi karta musuq maasuqii horey loo yiqiinay.

3- Dhinacyada ka qeyb galaya shirka Muqdisho ayaa sidoo kale ka wada hadlaya xalinta khilaafaadyada ku dhexjira maamulada Federaalka iyo dowlada dhexe ee Federaalka iyo sidii ay uga wadashaqeyn lahaayeen dhismaha maamulada kale ee dhiman ee Federaalka.

Waxaa kamid ah qodobada Xalka u baahan:

A- Xaduuda Puntland iyo maamulka gobalada dhexe,

B- Dhismaha maamulka Hiiraan & Sh/dhexe,

C- Xaduudaha Maamulka Koonfur galbeed iyo Banaadir

D- Isku dhafka ciidamada maamulada oo la doonayo in laga dhigo hal ciidan Qaran.

E- Qeybsiga deeqda caalamiga ah iyo sidii ay uga wadashaqeyn lahaayeen in Beesha Caalamka dib u furto dhaqaalihii la xanibay kadib fadeexadihii soo wajahay dowlada Federaalka.

Madaxweyne Xassan Shiikh iyo Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid oo xiligan waji gabax ka heysato dhanka Beesha Caalamka ayaa doonaya in shirka Muqdisho kasoo saaraan waji cusub oo siyaasadeed oo caalamka loogu bandhigayo in maamulada hada jira iyo Federaalka xal ay ku mideysan yihiin ka gaareen qorshihii hiigsiga 2016 oo aan wakhtigan hirgeli Karin maadaama ay ka hartay wakhti kooban.

Waxaana la filayaa in qoraal ay wada qoreen ka qeyb galayaasha shirkan loo gudbiyo Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka.

Xigasho: horseedmedia

Daabacaadii: Puntlandes.com

About The Author