Ethiopia oo shaacisay tirada ciidamada ay udirayso Kismaayo

itoobiya nabad ilaalinDowlada Ethiopia ayaa shaacisay tirada ciidamada nabad ilaalinta ah ee ay u dirayso magaalada Kismaayo.Madaxa xarunta tababarad nabad ilaalinta caalamig ah ee Itoobiya Major General Xasan Ibrahin ayaa saxaafada u sheegay in Ethiopia ciidan dhan 600 oo askari udirayso magaalada Kismaayo Bisha March ee sanadkan kuwaas oo uu sheegay inay ka howlgeli doonaan magaalada kismaayo iyo nawaaxigeeda.

Jananku wuxuu sheegay in la dhameystiray diyaargarowgii ciidamadan ayna howgeli doonaan Bisha March iyadoo ay ogyihiin hay’adaha UN iyo AU.

Wuxuu jananku intaas raaciyey in ciidamadani ciidanka Somalia ka taageeri doonaan dhanka tababarka si Somalia ay uyeelato ciidan difaac oo xoog leh.

Ciidanka Ethiopia ee la geenayo Kismaayo waxaa soo cosday dowlada Somalia si ay ubuuxiyaan booskii ay baneeyeen ciidamadii Sierra Leone ee dalka Ka baxay ayuu yidhi Jeneral Xasan,wuxuuna xusay in ciidankU ay wataan agabkii ay ku howlgeli lahaayeen oo dhameystiran.

Sida xarunta tababaradu sheegtay,ciidamo dhan 12000 oo askari ayaa Itoobiya ka jooga Somalia,Koonfurta Sudan,Daarfur iyo Abyei kuwaas oo 7% dumar yihiin.

About The Author