Sawiro: Madaxweynaha Gaas oo la kulmay maantay madaxda DFS (Xamar)

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Maalintii labaad ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa maanta waxaa waxaa uu uu la qaatay kulamo kal gedisan Madaxweynaha DF ee Soomaaliya, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane. Cabdiweli Sheekh, Iyo Ra’iisal Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmaake.

Madaxweynaha oo inta aanu bilaabin kulamadiisii saaka ayaa markii hore waxaa uu socod kusoo maray xaraunta madaxtooyada ee Vila-Somalia isaga oo u kuudh gelayey xaalada guud ee ciidamada madaxtooyada, kadibna intii uu lugeynayey askari askari ugacan qaaday ciidamadii goobihii uu marayey ku sugnaa.

Madaxweyne Gaas ayaa waxaa uu booqashadiisii saaka ka bilaabay guriga uu degan yahay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane. Cabdiweli Shiikh, halkaas oo uu kula qaatay kulan gaar ah oo is xogwaraysi ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kadib usii gudbay Xafiiska Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya, halkaas oo kulan Albaabadu u xidhan yihiin kula qaatay Madaxweynaha DF ee Soomaaliya Madaxweyne Xasan Shiikh.

Kulankaasi kadib ayaa waxaa kulan wada jir ah yeeshay Madaxweynaha DF Soomaaliya Xasan Shiikh, Ra’iisal Wasaare CCC, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wefuudii ay kala hogaaminayeed Madaxweynayaasha Maamulada Jubba-Lan Iyo Koonfur Galbeed Ee Soomaaliya.

Madaxweynaha DF ee Soomaaliya oo kulankaasi furay ayaa waxuu uu sheegay in uu aad iyo aad ugu faraxsan yahay booqashada ay ku yimaadeen Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr, Cabdiweli Maxamed Gaas Iyo wufuuda kale ee ka timi maamul goboleedyada Jubba-Land Iyo Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu aad iyo ugu mahadsan yahay Madaxweyne Gaas sida uu usoo ajiibay martiqaadkii aan u fidiyey ee qorshihiisu ahaa in aan yeelano kulan wadatashi oo aan ka yeelano aayaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa dhankiisa sheegay in Soomaliya mudo 25 sano ay ku jirtay xaalad adag iyo jaah wareer siyaasadeed maantana la gaadhay xiligii aan uga tashan lahayn si wadajir waayo way adag tahay ayuu yidhi inaan keli keli u gaadhno hadafkeena, Madaxweyne Xasan Shiikh isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi madashani waa madal wadatashi waxaan u baahanahay inaan is aamino isla tashano si dhab ahna ugu armino dalkeena iyo dadkeena.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khud dheer oo aad iyo aad uqiimo badan ka jeediyey madashii wada hadalka ayaa waxaa uu sheegay inuu aad iyo aad usoo dhaweynayo wado kasta oo loo marayo in lagaadho xal siyaasadeed oo waara oo lagu samata bixinayo shacabka dhibaataysan ee Soomaaliya

” way itaabanaysaa dhibaatada Soomaaliya ka jirtaa mar walba, shacabkeena iyo dalkeenaba dhamaanteen masuuliyad ayaa inaga saaran waa inaan keenaa xal waara, Puntland oo dhan ayaa ka xun dhibaatada Soomaaliya, markasta Puntland waxay u taagan tahay midnimada Soomaaliya markastana waa sii wadaynaa, markaaas waxaa la inooga baahan yahay inaan isla tashano, masuuliyada wadaagno, isu tanaasulo, lana tartanona khayrkeen, sidaas ayaan qaranimadeenii luntay kusoo celin karnaa” sidaas waxaa yidhi Madaxweyne Gaas.

Gebebadii kulnakii wadatashiga ee maanta ayaa waxaa kasoo baxay in la sameeyo gudi farso oo ka kooban sideed xubnood kuwaas oo kasoo talao bixin doona qodobo afar ah oo lagu heshiiyey in go’aan wada jir laga wada qaato, si looga gudbo khilaafka siyaasadeed ee ragaadiyey Soomaaliya.

Qodadii gudiga maanta loo saaray ayaa waxay kala ahaayeen

  1. HIIGSIGA SANADKA 2016

2.BARNAAMIJKA HIMILDA CUSUB ( NEW DEAL)

  1. DHISIDA CIIDAMADA QARANKA SOOMAALIYA
  2. ABUURIDA KALSOONIDA

Weli waxaa socda kulamada gaar gaarka ah iyo wadahadala uu la yeelanayo Madaxweyna Dawladda Puntland Dr. Gaas masuuliyiinta sarsare ee Soomaaliya, waxaana la dhowrayaa in heshiis buuxa laga gaadho qodobadaasi afarta ah ee lagu heshiiyey in laga wada xaajoodo, kadibna la soo saaro warsaxaafadeed wada jir ah saacadaha fooda inagu soo hayA.

IMG_1629 - Copy IMG_1629 IMG_1630 IMG_1631 IMG_1632 IMG_1633 IMG_1634 IMG_1635 IMG_1636 IMG_1637 IMG_1638 IMG_1639 IMG_1640 IMG_1641 IMG_1642 IMG_1643 IMG_1645 IMG_1646 IMG_1647 IMG_1650 IMG_1653 IMG_1710 IMG_1711 IMG_1712 IMG_1713 IMG_1714 IMG_1716 IMG_1718 IMG_1719 IMG_1720 IMG_1722 IMG_1724 IMG_1725 IMG_1727 IMG_1728 IMG_1729 IMG_1731 IMG_1753 IMG_1766 IMG_1768 IMG_1771 IMG_1772 IMG_1773 IMG_1774 IMG_1778 IMG_1779 IMG_1780 IMG_1782 IMG_1784 IMG_1786 IMG_1789 IMG_1790 IMG_1792 IMG_1794 IMG_1797 IMG_1798 IMG_1800 IMG_1801 IMG_1802 IMG_1803 IMG_1809 IMG_1810 IMG_1813 IMG_1818 IMG_1819 IMG_1821 IMG_1822 IMG_1824 IMG_1827 IMG_1828 IMG_1829 IMG_1830 IMG_1832

 

Puntlandes.com

About The Author