Goloha Xukuumadda Sharmaarke oo lagu dhawaaqidoona caawa

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa caawa hore la filayaa inuu ku dhawaaqo Xubnaha Golihiisa Wasiirada, kadib 10-cisho oo uu Baarlamaanka u ogolaaday inuu soo dhameystiro Xukuumadda cusub.

Qaban qaabo ayaa ka socota Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku aadan magacaabitaanka xubnaha Golaha Wasiirada, waxaana looga yeeray Wariyeyaasha.

Xukuumadda lagu dhawaaqayo ayaa waxba laga beddelin Golihii Wasiirada ee ka koobnaa 20 Wasiir sida ay sheegayaan warar xog-ogaal ah, waxaana lagu soo kordhiyey 5 Wasiir, Wasaaradda Shaqada, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa la kala qaadey sidoo kale waxaa la kala qaadey Wasaaradda Batroolka, Macdanta iyo Biyaha, waxaana ka mid ah Wasaaradaha wasiirada loo magacaabey Wasaaradda AMNIGA oo aan ka mid ahayn 20 Wasiir ee hore, sidoo kale waxaa ka mid ah Wasiiro ku xigoono iyo Wasiiru Dowlayaal gaaraya ugu yaraan 10, Wasiiro kuxigeenada iyo Wasiiru Dowlayaasha ayaa intooda badan la sheegayaa in la siiyey Xildhibaanada.

Wixii war ah kala soco Puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author