Sawiro: Wasiirkii Cadaaladda iyo Dastuurka Faarax C/qaadir oo maanta wareejiyay xilalkii Wasaaradahaas

Xaflad ay xilalka kula wareegayeen Wasiirada Cadaaladda, Dastuurka, Waxbarashada iyo Tacliinta sare, ayaa waxaa ka qeybgalay ku-simaha Ra’iisul wasaaraha, Xildhibaanno, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Hanti dhowrka guud ee Qaranka, Garyaqaanno iyo xubno kale oo munaasabadda lagu casuumay ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Wasiirkii hore ee Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa ka sheekeeyay waxyaabihii u qabsoomay, isagoo howlwadeenada ku booriyay inay la shaqeeyaan Wasiirada cusub.

Wasiirka Cadaaladda Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka jiir oo horay u soo noqday wasiirka Arimaha Gudaha ee Dawlada Puntalnd ayaa sheegay in uu shaqada halkeeda ka sii wadi doono, waxaana uu howlwadeenada ka codsaday inay gacan ku siiyaan gudashada howlaha loo igmaday.

Wasiirka cusub ee Dastuurka Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa xusay in uu soo diyaarin doono dastuur ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, kana madax banaan koox gaar ah.

Wasiirkii hore ee Waxbarashada Mudane Ciise Axmed Guraase ayaa sheegay in ay wax ka qabteen xagga manaahijta Waxbarashada dalka.

Sidoo kale Wasiirkii hore ee Hidaha iyo Tacliinta sare Ducaale Aadan Maxamed ayaa sheegay inay gacan ka geysteen sare u qaadidda tacliinta sare ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa sheegay inay sii amba qaadi doonto howlihii ay horey u qabteen Wasiiradii,waxaana madaxda kale ka codsaday inay garab ku siiyaan howlaha horyaalla.

<IMG_2598

IMG_2607

IMG_2613

IMG_2617

IMG_2618

IMG_2619

IMG_2621

IMG_2623

IMG_2628

IMG_2630

IMG_2646

IMG_2668

IMG_2669

IMG_2670

IMG_2671

IMG_2673

IMG_2679

IMG_2680

IMG_2696

IMG_2703

IMG_2712

IMG_2754

IMG_2755

IMG_2756

IMG_2760

IMG_2769

IMG_2770

 

About The Author