Dhagayso: Kooxda Gaadayare oo afka furatay markii la joojiyey Qaadkii ka soo degi jiray Garoonka diyaaraha Gaalkacyo

Gaalkacyo (Pes) Qaadkii ka imaan jiray dalka kenya oo ka soo degi jiray Abdilahi Yusuf Airport ayaa gabi ahaanba maanta ka soo dagin Airporkaas iyo deegaanada Puntland, waxaana inta badan faaruqa Kabaradii ama Marfishyadii ay fariisan jireen dadka ka ganacsada qaadka.

Arinta ayaa waxaa la sheegay in ay ka danbaysay kadib markii ay ganacsatada Qaadka sheegeen in:

  1. Canshuur xad dhaaf ah oo Abdilahi Yusuf Airport looga qaado (KOOXDA GAADAYARE)
  2. Beeralayda Kenya oo qaaligareeyey Qaadkii
  3. Qaadkii oo tayadiisii Xumaatay
699
Mr Dhagaweyne Maareeyaha Abdilahi Yusuf Airport ilaa iyo 1991

 

Ninka iska leh Garoonka Abdilahi Yusuf Airport, ahna ninka labaad ee Kooxda Gaadayare, Mr Siciid Dhegaweyne ayaa afka furtay maantay isagoo aad moodid in uu Kooxdooda waagu ku beryey wuxuuna sheegay in ganacstada qaadka u sheegeen isaga in mudo sadex cisho aysan keeni doonin qaadka Abdilahi Yusuf Airport ee magaalada Gaalkacyo

Mr Dhagaweyne ayaa qirtay in ay ka baaqatay Canshuur farabadan oo uga soo xaroon jirtay Qaadkii ka soo degi jiray magaalada Gaalkacyo.

 

 

 

Halkan ka dhagayso Waraysiga Dhegaweyne

Puntlandes.com

About The Author