C/raxmaan C/shakuur oo ka hadlay ujeedada laga leeyahay Mashruucii uu hakiyay Ra’iisul Wasaaraha

19 Jan 2020 (Puntlandes) Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka kuwa ugu weyn ee dhaliila dowladda Federaalka ayaa ka hadlay mashruucii bankiga Adduunka ee horumarinta Muqdisho iyo saddex magaalo ee caasimahada dowlad goboleedyada Puntland, Koofur Galbeed iyo Jubbaland.

C/raxmaan C/shakuur ayaa su’aalo ka keenay ujeedada ka dambeysa joojinta Xukuumadda ee mashruucaas, iyadoo bishii hore Bankiga Adduunka shaaciyay in la fulinayo mashruuca ku baxaya 112 Milyan oo dollar.

Akhriso: Qoraalka C/raxmaan C/shakuur

Xukuumadda Federaalka ayaa sheegtay in ay joojisay hirgelinta mashruuc Baanka Adduunku ku dhisayey Kaabayaasha caasimadaha dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Laakiin Baanka Adduunkana boggiisa internet-ka ayuu 09-kii December 2019 ku shaaciyey mashruuca iyo sida loo fulinayo.

Hadalka kasoo yeeray xukuumadda waa mid marin habaabin ah, dowlad ku dheel ah, dan qaran mid aan danta Galmudug iyo Hirshabeele ka turjumaynin. Waxaana caddeyn u ah qodobbada soo socda.

1- Baydhabo, Banaadir, Garowe iyo Kismaayo waa magaalooyin Soomaaliyeed wax eedna kuma laha in Jowhar iyo Dhuusamareeb ay ka mid ahaan waayaan magaalooyinka mashruucan laga hirgelinayo. Eedda waxaa leh Dowladda Federaalka ah oo mashruuca maamulaysay. Waa masuuliyaddaro, aqoon darri dhanka dowladnimada ah iyo aqoon la’aan guud in la yiraahdo mashruucii waa la joojiyey, ee waxay ahayd in la sheego sababta Jowhar iyo Dhuusamareeb looga reebay mashruuca iyo in ay Dowladdu ballan qaaddo in ay ku soo darto mashruuca, maadaama ay iyadu maamulayso.

2-Dowladda Federaalka ah billaw iyo dhammaad way la socotay ilaa shalay oo uu wasiirka Maaliyaddu saxiixayey mashruuca.

Sow garaadkeena oo lagu xadgudubayo maaha in la yiraahdo shalay ayuu raysalwasaaruhu ku baraarugay in ay jowhar iyo dhuusamareeb ka maqan yihiin? mise dalka ayuu ka maqnaa? mise wuxuu ku biiray naadiga waxba kama oga ee madaxweynaha?

3- Way caddahay in hadalka xukuumadda loogu tala galay warbaahinta iyo in lagu moodo maalmaha ay doorshada Galmudug socoto, maadaama musharraxa dowladdu ay arrinkan dhaawacayso iyo raysalwasaaraha oo Galmudug iyo Hirshabeel qabiil ahaan 4.5 ku metala.

Haddii uu Raysalwasaaraha soo dhicinayo xaq ka maqan labada maamul Gobol waxay ahayd in uu soo dhiciyo, isaga oo aan kuwa kale xaqooda duudsiinin.

4- Ficilka hoggaanka dowladdu wuxuu ka tarjumayaa inta ay la egtahay aqoonta, fahamka iyo waaya aragnimada ay u leeyihiin dowladnimada. Dhinaca kale wuxuu muujjnayaa sida ay uga maran yihiin damiir, dadnimo iyo masuuliyad dawladnimo, maadaama ay olole siyaasadeed u isticmaalayaan mashaariic horumarineed oo ay dowlado ajnabi ah ugu deeqeen Soomaaliya, iyagoo kala irdhaynaya shacabka Soomaaliyeed.

Waxay ilo lagu kalsoonaan karo inoo xaqiijiyeen in Baanka Adduunku uusan marna hakin doodin hirgelinta mashruuca, aysanna jirin sabab lagu qanci karo oo sidaas loo yeelo, hawsha mashruucan ay xukuumadda Soomaaliya billaaw iyo dhammaad la socotay, wax dareen ahna aysan marna ka muujinin.

Ayaadari ka wayn miyaa jirta in magaalooyinka Soomaaliyeed ee mashruuca helay loo muujiyo in ay kuwa kale xaqoodii dhaceen, waxa sawirkaas bixinayana ay yihiin hogaankii markii horeba masuuliyadiisa gabay, haddana qaab qabiil deegaanadii dalka luqunta isugu suraya.

Puntlandes.com

About The Author