Faahfaahin: Qaraxyo is xigay oo ka dhacay Hotel Central ee magaalada Muqdisho

Qaraxyo is xigay oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay Hotel Central ee degmada Xamar weyne oo ku dhow agagaarka Taaladii xaawo Taako, iyadoo qiic iyo uuro la arkayo.

Qaraxa kadib ayaa waxaa wararku sheegayaan in ruux waxyaabaha qarxa soo xirtay uu gudaha u soo galay hotelka uu isku dhex qarxiyay Masaajid ku dhex yaalay Hotelka Central, halkaasoo ay ku dukanayen wasiiro, xidlhibaano iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Qaraxyada oo ahaa labo ayay wararku sheegayaan inay saameeyaan Hotelada Central iyo Naasahablood 2 oo ah labo hotel isku dhegan, waxaana ilaa iyo iminka la maqlayay rasaas xoogan.

Ugu yaraan 8 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeryoodeen qaraxa, iyadoo aan wali faahfaahin laga hayn 8 magacyadooda, hase ahaatee waxaa la xaqiijiyey in uu dadka dhaawacmay ku jiro Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jengeli, Xildhibaan C/qaadir Cali Cumar.

Waqtiga qaraxyadan lagu soo beegay ayaa aheyd xilligii Salaadii khudbada ee jimcaha. Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkan ay ku qaaday hotel ay degan yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, isla markaana wali howl galku uu ka socdo

Qaraxyadan ayaa ku soo aasay, iyadoo inta badan wadooyinka muhiimka ah ee magaalada ay xiran yihiin, isla markaana magaalada ay ka socoto diyaar garow lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha Jabuuti iyo madax ka socota Maamulada Soomaalida,

Hotelkan la weeraray ayaa ka mid ah hotelada muhiimka ah ee ku yaala faras magaalaha, kaasoo ay degan yihiin mas’uuliyiinta dowladda iyo dadka qurbaha ka yimid.

Wixii war ah oo ku soo kordha ha ka agdheeraan Puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author