Xog: Taliye Xigeenka Booliiska oo ku eedeeyey madaxweyne Gaas iyo Xukuumadiisa in ay la shaqeeyaan Al-Shaab

Garowe (Pes) Waxay ahayd 7 dii febraayo 2015 markii Kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaaday bar kontrol oo taal bartama magaalada Bosaso una dhawayd hoyga uu ka deganaa magaalada Bosaso Taliye Xigeenka Booliiska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse. Waxaana halkaas ka dhacay dagaal aan waxba la iskula harin oo socday mudo ka badan saacad, isagoona uu dagaalkaasi dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray Ciidamada Puntland iyo Kooxda Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday. Sas iyo agagax ay u keentay shacabka reer Bosaso.

1562
Baabuurkii la gadoomay Kooxda Al Shabaab

 

Ugu dambayntii waxaa Ciidamada Puntland u suuroobay in ay gacanta ku dhigaan Kooxda Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday ka bid markii uu la gadoomay baabuurkii ay ku carareen.

1653
Nin Al-Shabaab ka tirsan oo ciidamuadu qabteen

 

Baaritaan ka dib waxay sheegeen meeshii laga soo abaabulay oo baaburka laga oo siiyey lagana soo amray oo ahayd halkii ay ka shaqaynayeen in mudo. Waxaana iska lahaa Goobtaas ganacsiga nin ganacsade ah oo caan ah ayna isku Jifo hoose ka soo wada jeedaan madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, iyagoo ka soo wada jeeda Reer Cabule/Cumar maxamuud.

1651
General Muxiyadiin

 

Ninkii Ganacsadaha ahaa ee Al-Shabaab u fududeeyey weerarka Ciidanka Boolisku xabsiga ayey u taxaabeen. Baaritaanka falkan waxaa hogaaminayey Taliye Xigeenka Booliiska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse oo isagoo shaqadiisa gudanaya baaritaan cilmiyeysan ka dib baaritaankii ku helay xogo badan oo ku saabsan Kooxda Al-Shabaab iyo dadka la shaqeeya iyadoo ay Kooxdu ku soo xoogaysatay waqtiyadii dambe Puntland gaar ahaan magaalada Bosaso.

Intaas ka dib baaritaankii oo meel fiican maraya ayaa waxaa amray in la sii daayo ninkii gacasadaha ahaa ee la shaqaynayey Kooxda Al-Shabaab. Markii sii dayntaasi dhacday ayuu Gen Muxiyadiin oo ciidamo wata soo galay caasimada Puntland ee Garowe isagoo si cad oo aan gabasho lahayn ugu eedeeyey maxadweyne Gaas iyo Xukuumadiisa in ay la shaqeeyaan Kooxda Al-Shabaab. Wuxuuna yiri madaxweyne Gaas ”Ileen kuma aanaan ogayne Al-Shabaab baad tihiin adiga iyo Xukuumadaa”

Madaxweyne Gaas oo xanaaq wajigiisa ka muuqdo ayaa ku yiri Gen Muxiyadiin ”ii soo tiri shanta gaari ee Teknikada oo aad haysato” markaas ayuu Gen Muxiyadiin ugu jawaabay madaxweyne Gaas ”kuwaas adiga iyo nimanka aad wadashaqaysaan ee Al-Shabaab ayaan iskaga waardiyeeynayaa kuna siinmaayo”

Waxaa la iswaydiinayaa sababta uu madaxweyne Gaas uu u siidaayey ninkii ugu waynaa ee ka dambayn jiray ama soo abaabuli jiray Amni xumadada Gobolka Bari gaar ahaan xarunta ganacsiga Puntland ee Bosaso, ninkaas oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

 

Puntlandes.com

About The Author