Sawiro: Ra’iisul wasaaraha oo ka qeyb galay xil wareejinta Wasaaradda Warfaafinta

Munaasibaddan uu xilka kula wareegayey wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), waxaa ka soo qeyb-galay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali, wasiiru dowlaha wasaaradda Warfaafinta, wasiiru dolwaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Xafiisyada Hanti dhowka Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha, Xildhibaanno, agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta iyo qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda.

Munaasibadda ayaa lagu soo bandhigay qeyb ka mid ah waxqabadka wasaaradda Warfaafinta ee sanadkii la soo dhaafay oo uu Akhriyey Agaasimaha Warbaahinta Qaranka, Mudane C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala, isagoo tilmaamay inay jiraan waxyaabo kale oo u baahan in la dar dargeliyo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Mudane C/risaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi), ayaa munaasibadda xil wareejinta ah ka sheegay in Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ay ku shaqeeyaan xaalad adag, isla markaana ay Qaranka Soomaaliyeed ay qiima weyn ugu fadhiyaan, dowladduna looga baahan yahay in ay siiso ahmiyad gaar ah.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble wakiilna ka ahaa wasiirkii hore ee wasaaradda Mustafa Dhuxulow, ayaa yiri “Mudane Ra’iisul wasaaraha shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta waxa ay ku xaquuq yihiin shaqaalaha caadiga ah ee dowladda, iyaga oo shaqeeya muddo 24, saacadood oo xiriir ah, waxaanse ku dadaali doonaa in arrintaasi la xaliyo”.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble, ayaana xilka guud ee wasaaradda si rasmi ah ugu wareejiyey wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir, iyadoo uu joob-joog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana madasha lagu kala saxiixdey Dokumentiyada xil-wareejinta.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa mar kii uu xilka la wareegay kaddib khubad jeeyey, isla markaana sameeyey ballan-qaadyo ku aaddan in uu si dardargelin doono howlaha qorshe ee wasaaradda u degsan sanadka 2015-ka, isla markaana la tayen doono dhammaan qeybaha Wasaaradda ay ka kooban tahay.

Ugu dambeyntii Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo munaasibadda uu xilka kula wareegay wasiirka Warfaafinta khubad dhinacyo badan ka jeediyey, ayaa ammaan iyo boggaadin u soo jeediyey shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo wax badan uga duwan Shaqaalaha kale ee dowladda, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa ballan qaaday in ahmiyad weyn ka siin doono wasaaradda si loo soo saaro door ka ay ku leedahay Hiigsiga 2016-ka ee Soomaaliya u degan.

Wasiirka Warfaafinta, Wasiir-dowlaha iyo Wasiir ku-xigeenka ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu soo wareejiyay waaxyaha ay Wasaaradda ay ka koobantahay, iyagoo Warbixino ka dhageystay Mas’uuliyiinta Waaxda Warbaahinta Qaranka.

Wasaaradda Warfaafinta oo hadda qabatada howlaha wargelinta iyo Wacyigelinta ee bulshada Soomaaliyeed gudaha iyo dibedda, ayaa sanadka soo socda qorsheyneysa in ay ballaariso qorshaheeda dhanka warfaafinta iyo hirgalinta mashaariicda lagu soo nooleynayo Waaxyaha hadda u baahan dib u howlgelinta.

DSC06783

DSC06793

DSC06794

DSC06796

DSC06804

DSC06809

DSC06814

DSC06815

DSC06818

DSC06821

DSC06822

DSC06825

DSC06828

DSC06831

DSC06834

DSC06837

DSC06838

DSC06839

DSC06840

DSC06844

DSC06848

DSC06852

DSC06856

DSC06864

DSC06872

DSC06873

DSC06878

DSC06890

DSC06892

DSC06912

DSC06915

DSC06923

DSC06926

DSC06929

DSC06930

DSC06932

DSC06950

DSC06953

DSC06954

 

Puntlandes.com

About The Author