Maraykanka oo sanado 25 sano ka fdib safiir usoo magacowday Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa magacaabay safiirka cusub ee Maraykanka u qaabilsanaan doona Soomaaliya, 25 sano kadib oo uusan jirin safiir Maraykanka u qaabilsanaa Soomaaliya.

1689

Obama ayaa danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya u magacaabay haweeney lagu magacaabo, Katherine Simonds Dhanani, oo fadhigeedu noqon doono dalka Soomaaliya deriska la ah ee Kenya, inta sida la yiri ay si wanaagsan uga soo hagaageyso xaaladda amaan ee caasimadda Soomaaliya.

Dhanani oo hadda ah agaasimaha arrimaha ammaanka iyo gobolka ee xafiiska Africa ee waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa horay uga soo shaqeysay dalalka India, Mexico, Guyana, Zimbabwe, Gabon, Zambia, Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Congo iyo Jamhuuriyadda Congo.

Wasaraadda arrimaha debadda Mareykanka ayaa ayaa magacaabista danjirahan cusub ku tilmaantay mid muujineysa sida ay Mareykanka uga go’antahay wax ka qabashada arrimaha Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author