XOG: Raysul Wasaare Sharmake iyo Madaxwayne Xasan oo khilaaf soo kala dhexgalay

1151

Warar lagu kalsoonyahay oo aan ka soo xignaya Mas’uuliyiin ku sugan Villa Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in Muran Siyaasadeed uu soo kala dhex galay Madaxwaynaha DFS Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raysul wasaaraha DFS. Khilaafkan Cusub ayaa salka ku haya Xilalka Wasiirada Dam Jadiid ee Xukuumada Raysul wasaare Sharmake.
Sida aan Xog Hoose ku helay waxaa la isku hayaa Magaca Wasaarada arimaha Gudaha iyo Federaalka ee uu wasiirka ka yahay Cabdiraxmaan Odawaa, waxayna dood ka taagn tahay Magaca Wasaarada sida loogu yeerayo iyo xilka Wasiirku uu hayo.
Madaxwayna Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa sheegay in Wasiir Cabdiraxmaan Odawaa uu yahay Wasiirka Arimaha gudaha,Federalka iyo Dib u heshiisiinta,isla markaan aan la kala qaadi karin xilalka Wasaarada ee Federalka iyo dib u heshiisiinta sidaasna ay tahay sida uu wasiirka ku yahay Cabdiraxmaan Odawaa, waxaa hadalka miiska la yimid Madaxwaynaha Soomaaliya. Halka uu Raysul wasaare Sharmake uu yiri Xilka uu hayo Cabdiraxmaan Odawaa waa Wasiirada Arimaha Gudaha iyo Federalka waana Sida aan anigu u magacaabay, cid wax ku dari karta ama wax ka reebi karta ma jirto wixii intaas dheer waxaa dib loogu noqo Shruucada dalka waxayna arintu tagaysaa Baarlamaanka.
Doodan oo meel Xasaasi ah maraysay Caawa Villa Soomaaliya ayaa Ra’iisulwasaare Sharmake wuxuu ooda ka qaaday in Xilka Dib u heshiisiinta dalka uu la socdo Wasaarada Dastuurka,Waxaana Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta ah Xuseen Badni oo xilkaas xili hore Baarlamaanka hortiisa loogu dhaariyey waana wax aan soo laaban doonin mana dhici karto in maanta ay dooda ka timaado.

Puntlandes

About The Author