Madaxweynaha Somaliland oo Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumaddiisa

10 Jan 2021 (Puntlandes) War-saxaafadeed 10/01/2021, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumaddiisa.


Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS
Hinda Jaamac Xirsi Maxamed: Wasiirkii Hore ee Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
Cabdi Nuur Axmed (Cabdi Guray): Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Cali Xuseen Nuur Beegsi: Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga
Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur: Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta
Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi: Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda
Cabdiraxmaan Siciid Yuusuf: Agaasimihii Guud ee hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Xuseen Xaaji Xasan Guuleed: Guddoomiyihii hore ee Guddida Tacliinta Sare
Cabdikariim Maxamed Xaaji Cali: Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
Maxamed Xasan Sheekh Muumin: Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Guddida Tacliinta Sare

Marwo iyo Mudanayaal, sida aad la socotaan, xilka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen.
Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas.

.

UJEEDDO: MAGACAABID
Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

  1. Saleebaan Warsame Guuleed: Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda
  2. Mustafe Godane Cali Bile: Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
  3. Siciid Axmed Jibriil: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha
  4. Axmed Cali Maax Warsame: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga
  5. Jamaal Cabdi Muuse Diiriye: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta
  6. Rooble Cabdi Muuse Maxamed: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha
  7. Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka
  8. Farxiya Maxamed Cabdiraxmaan Daahir: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-geshiga
  9. Maxamed Yuusuf Ismaaciil: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka
  10. Mukhtar Maxamed Cali: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta
  11. Aamina Xuseen Maxamuud Jaamac: Agaasimaha Guud ee Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda
  12. Jamaal Maxamed Jaamac Cashuur: Agaasimaha Guud ee Guddida Doorashooyinka Qaranka

    Magacaabid: Agaasimaha Fulinta ee Mac’hadka Tababarka Shaqaalaha

    In Cumar Iid Qaloonbi Samatar laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Fulinta ee Mac’hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Somaliland.

    Magacaabid Mac-hadka Cilmi-baadhista Beeraha: In laga bilaabo taariikhda maanta aan Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

1- Wasiirka Wsaaradda Horumarinta Beeraha Guddoomiyaha Guddida Sare ee Mac’hadka

2- Madaxa Waaxda Beeraha ee Jaamacadda Hargeysa Xubin Guddida Sare ee Mac’hadka ah

3- Madaxa Waaxda Beeraha ee Jaamacadda Camuud Xubin Guddida Sare ee Mac’hadka ah

4- Madaxa Waaxda Beeraha ee Jaamacadda Burco Xubin Guddida Sare ee Mac’hadka ah

5- Madaxa Waaxda Cilmi-baadhista ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Xubin Guddida Sare ee Mac’hadka ah

6- Dr. Aadan Cilmi Yuusuf Agaasime Fulinta ee Mac’hadka

Magacaabid Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka: In laga bilaabo taariikhda maanta aan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

1. Saleebaan Dirir Cabdi Guddoomiye
2. Cabdi Ismaaciil Yoonis (Cabdi Duse) Guddoomiye Ku-xigeen
3. Axmed Muuse Muruud Muxumed Agaasimaha Guud ee Guddida Tacliinta Sare
4. Dr. Maxamed Cabdillaahi Dagaal Xubin
5. Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax Xubin
6. Yuusuf Maxamed Cabdi Xubin
7. Xamda Cabdi Faarax Xubin

Magacaabid Guddida Hay’adda Caymiska Qaranka: In laga bilaabo taariikhda maanta aan Guddida Hay’adda Caymiska Qaranka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
1. Saleebaan Cawad Cali Bukhaari Guddoomiye
2. Sahra Aadan Yuusuf Xirsi Guddoomiye Ku-xigeen
3. Cabdiraxmaan Muuse Cabdi Cali Agaasime Guud

Magacaabid Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda: In laga bilaabo taariikhda maanta aan Xubnaha Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
1. Faysal Sahal Jaamac Siciid Guddoomiye Ku-xigeen
2. Cumar Sheekh Cabdillaahi Ciise Xubin
3. Cabdifataax Maxamed Axmed (Dayib Guray) Xubin
4. Siciid Jaamac Raabbi Xubin
5. Maxamed Axmed Xasan Jabarti Xubin
Waxa aan u mahad-celinayaa masuuliyiintii hore ee xilalka Hay’adda Shaqaalaha hore u hayey.

About The Author