Cabdi Xaashi “Waxba kama jiro hadalkii Qoorqoor ee ahaa inuu nagu soo celiyay jawaab iyo tanaasul ah”

10 Jan 2021 (Puntlandes) War Saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo ay ku wehliyaan Siyaasiyiinta, dhaqanka iyo waxgaradka ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa sheegay inay ka xun yihiin nasiib darro weyn ay ku tilmaamayaan in Xukuumadda ku dhawaaqdo inuu dalka doorasho galayo, iyadoo aan wax xal ah laga gaarin tabashooyinkii laga keenay guddiyada doorashada ee lagu muransan yahay.

“Annagoo tixraaceyna shirkii jaraa’id ee ay shalay qabteen Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Galmudug, waxaan halkaan ku caddeyneynaa in haba yaraatee aysan waxba ka jirin hadalkii Madaxweyne Qoorqoor ee ah in naloo soo celiyay jawaab tanaasul ku jiro, shirkii Garowe kaddib ma jirto cid noola timid wax heshiis ah iyo wada hadal oo la xidhiidha arrimaha doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi”ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Is mariga waaga ka taagan doorashada ayaa qarka u saaran inuu sii jiitamo oo ay deegaano doorasho ka dhacaan, halka kuwa kalena aysan ka dhicin.

Go’aankii Xukuumadda ku gaartay in doorasho la qabto, iyadoo ay maqan yihiin maamulada Puntland iyo Jubbaland, lana xalin tabashooyinkii jiray ayaa ahaa go’aan ismiidaamin siyaasadeed oo horseedi kara kala qeybsanaan iyo halis soo wajahda Midnimada.

Puntlandes.com

About The Author