Safiirkii u fadhiyey Soomaaliya dalka Kenya Amb Ameerika oo Xilka laga xayuubiyey

Golaha Wasiirada DFS ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana kulanka looga dooday dhoor qodob, iyadoona intii kulanka socday la ansixiyay hindise sharciyeedka la dagaalanka Argagixisada ay horey u gudbisay Wasaarada Amniga Qaranka.

Kulanka intii socday ayaa Golaha Wasiirada waxaa laga hor aqriyay Soo jeedin katimid Wasaarada Arimaha Dibada Xukuumada Soomaaliya oo xilka ka qaaday Safiiro sidoo kale magacawday safiiro cusub.

1913

Warar ay heshay Warbaahinta Puntlandes oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xilka laga qaaday Safiirkai Dowlada Soomaaliya mudada dheer u fadhiyey Dalka Kenya Amb. Maxamed Cali Ameeriko, iyadoo lagu badalay Jamaal Hassan.
Waxay Wasaarada Arimaha Dibada sidoo kale Safiir Cusub u magacawday Dalka Koonfur Afrika waxaana safiir looga dhigay Jamaal Maxamed Barrow oo horey Wasiir kuxigeenka Arimaha dibada uga soo noqday Xukuumadii Saacid.

Waxaa sidoo kale la magacaabay Faadumo Cabdulaahi Insaaniya oo loo magacaabay Safiirka Qaramada Midoobey xarunteeda New York, waxaa sidoo kale Safiirka Sacuudiga u fadhin doona Somaaliya isna loo magacaabay Daahir Maxamuud Geelle oo hada kamid ah la taliyaasha Madaxweynaha Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author