Cali Dheere “Kenya way iska indha tirtay wixii aan u sheegeynay, balse ficil ayaa ugu bedelnay”

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) ayaa ka hadlay weerarkii jaamacadda Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, isagoo sheegay in weerarkaas uu jawaab u ahaa duulaanka Kenya iyo soo gelitaanka ciidamadeeda ee Soomaaliya soo galay sanadkii 2011.

“Dowladda Kirishtaanka Kenya dalkeena ayay ku soo duushay bishii october 2011, iyadoo mar marsiiyo ka dhiganeysa in amniga wadankeeda difaaceyso, iyadoo sheeganeyso labo qof cadaan la soo afduubtay daraadeed ayay u soo gashay dalkeena Soomaaliya”ayuu yiri Cali Dheere oo la hadlay warbaahinta Afka Shabaab ku hadla.

Cali Dheere ayaa sheegay in Kenya aanay aqoon u laheyn waxyaabaha ay galeyso, gaar ahaan ciidamada ay u soo dirtay Soomaaliya, iyadoo ay gadaal ka riixayaan reer galbeedka, isagoo xusay inay iska indha tirtay wax alla wixii baaq ahaa oo ay u jeedinayeen.

Skeekh Cali Dheere ayaa yiri “Kenya waxa ay galeyso wax aad u adag oo ay aqoonteeda laheyn waaye, waxaa u tilmaamnay waxyaabaha ka dhalanaya, bur burka ku imaanaya, waxaa gadaal ka riixaya danaha shisheeye iyo gaalada cad cad, waxay iska indha tirtay waxa alla wixii aan u sheegeynay waxayna u soo bareertay dhibka iyo waxa ka dhalanaya dagaala ay la gasho umad muslimiin ah, markii ay ku qanci weysay, wixii loo sheegay oo hadal ah, mujaahidiinta waxay u bedeleen ficil iyo gacan inay wax ugu sheegeen, waxay ku qaadeen intaas oo weerar oo ah tusaale iyo digniin, waa u noqon weysay, waa isu raac raaciyeen, ilaa weeraro ay ka dhacaan Nairobi, xeebta iyo Mombasa iyo dhulkan muslimiinta ee waqooyi bari “

Mar uu Cali Dheere ka hadlayay weerarka ay Jaamacadda Gaarisa ku qaadeen ayuu sheegay in xarunta weyn ee Jaamacadaas ay aheyd goob lagu faafiyo manhajka Kirishtaanka ah, isla markaana dad meelo kala duwan laga keenay la dejiyay xarunta jaamacadda loogu magac daray Jaamacadda MOI.

Waxaa uu sheegay in dableydii hubeysneyd ee gudaha u gashay jaamacadda ay wax ka badan saacad ay keligood heysteen, isla markaana dadkii ay u kala saareen kuwii Muslimiinta ahaa iyo kuwa aan aheyn.

Ma ahan markii u horeysay ee ay Al-Shabaab weerar ku qaadaan gudaha Kenya, waxaana ay weeraro dhiig badan ku daatay ku qaadeen meelo kale kuwa oo Kenya ka mid ah.

Kala soco Puntlandes inta weerar oo Al Shabaab ay Kenya ka gaysatay iyo inta qof ee ku dhintay

Puntlandes.com

About The Author