Ciidamo AMISOM oo u socday Cadaado ayaa lagu qasbay in ay dib ugu noqdaan Baladweyne

Ciidamo AMISOM ah kana soo jeeda dalka Jabuuti oo ku sii jeeday Magaalada Cadaado ayaa ku fashilmay in ay gaaraan Magaaladaas, ,kadib markii Ciidamo katirsan Ahlu Sunna ay u diideen in ay ka gudbaan Degmada Matabaan .

Ciidamada Jabuuti ayaa dhowr maalmood ka hor waxa ay u dhaqaaqeen dhanka Cadaado iyagoo ka ruqaansaday saldhigoodii ay ku lahaayeen Magaalada Baladweyne. Cadaado ayaa la filayaa in lagu qabto shirka Maamul u sameynta Galgaduud iyo Koonfurta Mudug.

Maleeshiyaad hubeysan oo ka amarqaata Ahlu Sunna Waljameeca oo ku sugan Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa is hortaag ku sameeyay Ciidamada Dalka Jabuuti una diiday in ay u gudbaan Cadaado. Ugu dambayna waxaana Ciidamada Jabuuti lagu qasbay in ay dib ugu laabtaan Saldhigaydii ay ka yimaadeen.

Ciidamada Jabuuti oo ku hubeesnaa Dabaabadka Dagaalka ayaa saakay dib ugu laabtay Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo markii hore ay ka baxeen, mana jiro war kasoo baxay taliska AMISOM oo ku aadan arintan.

Puntlandes.com

About The Author