Turkiga oo sheegay inuu ka walaacsan yahay xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya

24 Mars 2021 (Puntlandes) War Saxafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in dowlada Turkiga ay ka walaacsan tahay in aan heshiis laga gaarin geedi socodka doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Dowlada Turkiga oo ku biirisay codkeeda dadaalada caalamiga ah ee cadaadiska lagu saarayo madaxda dalka inay heshiis ka gaaraan arrimaha doorashooyinka ayaa qoraalka lagu yiri;

“Waxaan ka walaacsannahay in dhinacyadu weli aysan gaarin heshiis ku saabsan geedi socodka doorashada Soomaaliya, iyo in rajada dadka Soomaaliyeed ee ah inay gaaraan nabad iyo barwaaqo la carqaladeynayo.”

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyadu ay wada hadlaan, wax walibana ay xaliyaan, iyagoo ku salaynaya heshiskuu 17-kii September 2020.

“Waxaan mar kale ku boorineynaa madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada in ay ku xalliyaan khilaafaadka wadahadal loo dhan yahay oo wax ku ool ah oo ku saleysan is afgaradkii la gaarey 17kii Sebtember 2020, isla markaana xoogga la saaro muhiimadda ay leedahay doorasho aan dib u dhac laheyn.

Ugu dambeyntii dowlada Turkiga ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto taagerada ay siiso dowlada federalka ah;

“Turkigu wuu sii wadi doonaa taageerada aan siino dowladda aan walaalaha iyo saaxiibada nahay ee Soomaaliya”

Wadamo badan oo caalamka ah ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan sidii dalka Soomaaliya doorasho loogaga qaban lahaa iyadoo cadaadis xoog leh la saaray dowlada federalka.

Puntlandes.com

About The Author