Hay’ada Amnesty oo codsatay in Cabdirashiid Janan caddaalada la horgeeyo

24 Mars 2021 (Puntlandes) Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International qeybteeda Bariga Afrika ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay caddaaladda horgeeyso Cabdirashiid Janan oo maanta la sheegay inuu soo galay gacanta dowladda.

Amnesty ayaa sheegtay in xadgudyo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha uu ka geystay Cabdirashiid Janaan gobolka Gedo loona baahan yahay in sharciga la horgeeyo.

“Hadda oo Cabdirashiid Janan uu soo galay gacanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, masuuliyiinta dowladda waa inay xaqiijiyaan in caddaalad iyo isla xisaabtan loo helo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee lagu eedeeyay Janan inuu ka geystay gobolka Gedo. Dhibbaneyaasha iyo qoysaska ay dhibaatadu gaartay waxay mudan yihiin caddaalad,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kooban oo ay soo saartay Amnesty International.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ( Janan) ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Beledxaawo isagoo ay la kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federalka.

 

About The Author