Puntland oo eedeysay Farmaajo iyo wasiir Jamaal

25 Mars 2021 (Puntlandes) Afhayeenka madaxtooyada dawladda Puntland Jaamac Deperani oo la hadlay wariyeyaasha ayaa eedeyn culus u jeediyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib eedayntii ka tidid DFS ee la xiriir banaanbax shalay ka dhacay Dhahar ee gobolka Sanaag.

Jaamac Deperani ayaa abaabulka dibad-baxaasi ku eedeeyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday  Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) & wasiirka qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo aad ugu dhaw Farmaajo kana soo jeeda deegaankaas.

Afhayeenka ayaa xusay in dibad-baxaasi ujeedkiisu uu ahaa in fowda laga bilaabo degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, sidoo kale wuxuu beeniyey in ciidamada Puntland ay rasaas u adeegsadeen dibad-baxayaasha.

Afhayeenka madaxtooyada maamulka Puntland ayaa yir “Madaxweyne Farmaajo iyo Jamaal waxaad u abaabusheen banaabaxa si aad fowdo uga kicisaan Dhahar, Laakiin sida rabteen ma noqon, cidna kuma dhiman cidna kuma dhaawacmin nabad ayuu ku dhammaaday Ciidamaduna amniga ayeey sugeen. Abaabulada lagu khalkhal gelinayo xasiloonida iyo nabadgelyada waa qeyb ka mid ah rafashada Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday!”

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, kadib markii ay dowladda federaalka Soomaaliya cambaareysay inay Puntland si ula kac ah xabad ugu adeegsadeen bulshada Dhahar.

Puntlandes.com

About The Author