Hoobiyayaal lagu weeraray Xalane iyo khasaare ka dhashay

25 Mars 2021 (Puntlandes) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hoobiyeyaal ah oo markale maanta lagu qaaday xerada Xelane ee magaalada Muqdisho.

Ilo deegaanka ayaa innoo sheegaya in hoobiyeyaasha ay gaarayeen illaa saddex madfac, kuwaas oo qaarkood ku hoobtay xaafadaha ku dhow xerada Xanale oo ay dagan yihiin ciidamada AMISOM, safaarado, hay’ado, sidoo kalena ay joogaan madax goboleedyada.

Wararka ay warbaahintu heshay ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 qof oo shacab ahaa uu ku dhintay hoobiyeyaashaasi, kuwaas oo kala ahaa Aabe & wiil yar oo umul lagula jiray.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya inay dhaawacyo soo gaareen ku dhowaad illaa 5 qof oo kale oo ka mid ah dadka deegaanka.

Waa markii labaad oo hoobiyeyaal lagu weerarayo xerada Xalane, tan iyo markii ay soo gaareen madaxweynayaasha dawlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo si weyn uga soo horjeedo hanaanka uu Farmaajo ku wajaheyo doorashooyinka 2021-ka.

Puntlandes.com

About The Author