Sawirro: Dawladda Puntland oo soo bandhigey ciidamo ka soo goostay Gorgor iyo Haramcad

13 April 2021 (Puntlandes) Dawladda Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku soo bandhigay saraakiil ka tirsanaa ciidamada Gorgor iyo Haramcad ee dowlada federalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gudigga dib u habaynta Ciidamada Dawladda Puntland ahna Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire oo ay waheliyaan Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Gallan iyo madax kale ayaa sheegay ciidamadan in ay yihiin ciidamo lagu soo tababaray dalka Turkiga, kuwaas oo uu sheegay in ay dowladda federalka kala kulmeen hagardaamo.

Qaar ka mid ah ciidamadan oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay inay ka mid ahaayeen ciidamo hore loogaga qaaday Puntland laguna soo tababaray dalka Turkiga balse loola dhaqamay si aan wanaagsanayn oo shuruucda ciidanka ka mid ahayn.

Somaliland ayaa sidaan oo kale dhawaan sheegtay in ciidamo katirsan Haramcad iyo Gorgor oo kasoo jeeda deegaanadooda ay kasoo goosteen Muqdisho kana dageen magaalada Hargeysa.

Goosashada ciidamo dowladda federalka, waxay loo arkaa in ay qeyb tahay khilaafka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya, iyadoo xusid mudan tahay, in golaha midowga musharrixiinta ay ugu baaqeen ciidamada in aysan u dagaalamin dowlad waqtigeeda dhamaaday.


Puntlandes.com

About The Author